U bood dhigaalka

Koonfur Afrika oo si adag u taageertay Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Dawladda Koonfur Afrika ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib bayaan ay soo saartay Wasaaradda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga ee dalkaas.

Bayaanka oo ku taariikheysan 29-ka Diseembar 2025, ayaa Koonfur Afrika si weyn uga muujisay walaac ay ka qabto ku dhawaaqistii dhowaan ay Israel ku sheegtay inay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Dowladda Koonfur Afrika waxay tallaabadaas ku tilmaantay mid si cad u jebinaysa madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana khatar ku ah nabadda Geeska Afrika.

Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay mabda’a Midowga Afrika ee “uti possidetis”, oo ah ilaalinta xuduudihii dhaxalka ahaa ee dalalka Afrika, kaas oo loo arko tiir muhiim u ah ka hortagga colaadaha qaaradda.

Sidoo kale, bayaanka ayaa si cad u kala saaray xornimada gumeysiga ka dib (decolonisation) iyo gooni-isu-taagga (secession), iyadoo la xusay in midda hore ay soo celiso madax-bannaanida, halka tan dambena ay burburiso midnimada dowladnimo.

Koonfur Afrika waxay sheegtay in tallaabada Israel ay dhiirrigelin karto kala-go’ iyo xasillooni darro ku faafta gobolka.

Ugu dambeyn, Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si wadajir ah u diidaan faragelinta dibadda, isla markaana ay taageeraan Soomaaliya mideysan, xasilloon oo madax-bannaan.