Midowga Baarlamaanada Carabta oo si adag u difaacay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa ku aaddan tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo loogu xadgudbayo madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Carabta Mudane Ibraahim Boughaali ayaa lagu adkeeyey in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo leh xaq buuxa oo ku aaddan ilaalinta dhulkeeda, amnigeeda iyo go’aanadeeda siyaasadeed, iyadoo la tixraacayo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay ee mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha dalalka.
Midowgu wuxuu sidoo kale cambaareeyey tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madaxbannaanida Soomaaliya ama lagu carqaladeynayo xasilloonida gobolka Carabta iyo Afrika, isagoo caddeeyey in amniga Soomaaliya uu si toos ah ula xiriiro amniga guud ee Gobolka.
Ugu dambayn, Midowga Baarlamaanada Carabta wuxuu mar kale xaqiijiyey taageeradiisa buuxda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.