U bood dhigaalka

Shiinaha oo Xaqiijiyay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa si cad u shaacisay inay kasoo horjeeddo aqoonsi loo fidiyo Somaliland, iyadoo markale dib u xaqiijisay taageerada hagar la’aaneed ee ay u heyso midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warkan oo ay baahisay wakaaladda Reuters ayaa muujiyay in Shiinuhu uu u arko midnimada Soomaaliya mid muhiim u ah xasilloonida gobolka, isagoo ku adkeysanaya inaan la masiirin karin madax-bannaanida dalka iyadoo aan ogolaansho looga helin dowladda dhexe ee Muqdisho.

Mowqifkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah dadaallada ay maamulka Somaliland ugu jiraan helitaanka aqoonsi caalami ah, gaar ahaan maadaama Shiinuhu uu yahay awood weyn oo xubin joogto ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, uuna leeyahay saameyn ballaaran oo dhanka diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha ah oo uu ku cadaadin karo dalalka kale ee doonaya inay xiriir toos ah la sameeyaan Somaliland.