Turkiga oo Dedajinaya Saldhig Ciidan oo uu ka dhisayo Laasqoray
Warbaahinta TRHaber ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in xukuumadda Ankara ay dardargelinayso qorshe ay saldhig ciidan kaga dhisayso magaalada xeebta ah ee Laasqoray, taas oo dhacda waqooyiga bari ee Soomaaliya.
Sida lagu xusay warkaas, tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Israa’iil ay damacsan tahay inay saldhig ciidan ka dhisato deegaannada maamulka Somaliland, taas oo keentay in Turkigu uu u dhaqaqo dhanka Laasqoray si uu u ilaaliyo dheellitirka awoodda gobolka iyo danaha saaxiibadiisa Soomaaliya.
Warkan ayaa muujinayay in loolanka loogu jiro gacan ku haynta marin-biyoodka Gacanka Cadmeed uu marayo meel sare, iyadoo Turkigu uu adeegsanayo heshiiska difaaca ee uu la leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya si uu joogitaankiisa ciidan ugu fidiyo meelo ka baxsan caasimadda Muqdisho.
Haddii qorshahani dhaboobo, waxa uu saameyn weyn ku yeelanayaa xaaladda siyaasadeed ee gobolka iyo amniga badaha, maadaama Laasqoray ay tahay goob istiraatiijiyadeed oo xuduud u ah dhinacyo dhowr ah oo isku haya maamulka deegaankaas.