Wax ka ogow Maamullada sida Soomaaliland horay Aqoonsiga u helay, balse ku guuldarreysatay inay dal noqdaan
Soomaaliland ayaa dhowaan Aqoonsi muran dhaliyay ka heshay maamulka aan asaguba aqoonsiga sharciga ah haysan ee Israa’iil, waxaana haatan socda dhaqdhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo arrintaas looga hortagayo.
Israa’iil dhankeeda waxay sheegtay inay aqoonsigaas meel mar ka dhigi doonto, si ay u xaqiijiso danaheeda istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika, waxaana isha lagu wada hayaa kulan degdeg ah oo golaha ammaanku uu arrintaas ka yeelan doono, kaas oo ay Soomaaliya codsatay.
Haddaba dhanka Soomaaliland waxaa ilaa haatan ka socda dabbaal-degyo lagu soo dhowaynayo aqoonsiga aan la hubin ee Israa’iil ay siisay maamulkaas ku dhowaad afartanka sano gooni-goosadkq ahaa.
Haddaba si aad u saadaaliso halka uu ku dambeyn doono Aqoonsiga muranka dhaliyay ee Soomaaliland ay ka heshay xukuumadda Netanyahu waxaa muhiim ah inaad barbardhigto maamulladii hore u helay aqoonsiga noocaas ah, balse ugu dambeyn ku guuldarreysatay inay dalal madax-bannaan noqdaan.
1. Jamhuuriyadda Biafra (Nigeria) – 1967–1970
Biafra wuxuu ahaa maamul ay haysteen dadka ku nool Waqooyi Bari ee dakkq Nigeria, kaas oo ku dhawaaqday madax-bannaani kadib dagaal sokeeye,
Waxaana aqoonsaday dalal kooban sida Gabon, Ivory Coast iyo Tanzania.
Markii Nigeria ay dagaal maalmo dib u qabsatay dhulkaas, Biafra way burburtay, aqoonsiguna wuu dhammaaday, halkaas ayuuna ku xirnay baalkii taariikhdeedu.
2. Jamhuuriyadda Koonfurta Vietnam (South Vietnam) – 1955–1975
Jamhuuriyadda Koonfurta Vietnam
Waxaa si buuxda u aqoonsanaa dalal badan oo reer Galbeed ah, balse
Kadib guushii Vietnam-ta Waqooyi sanadkii 1975-tii dowladdaasi way dhacday, aqoonsiguna wuu baaba’ay,
Vietnam ayaana dib u midowday.
3. Manchukuo (Manchuria) – 1932–1945
Manchukuo waxay ahayd maamul la dhisnaa 1932–1945 kuna taallay Manchuria oo ka tirsan waqooyi-bari ee dalka Shiinaha, waxaana si weyn loogu aqoonsaday inay ahayd dowlad magac-u-yaal ah oo ay maamuleysay Japan.
Waxaa aqoonsaday dalal kooban oo xulafo la ahaa Japan, balse dagaalkii Labaad ee Adduunka kadib, gebi ahaanba waa la diiday aqoonsigiisii, taas oo meesha ka saartay jiritaankii maamulkaas.
4. Jamhuuriyadda Koonfurta Afrika ee Apartheid-ka (Rhodesia/Zimbabwe Rhodesia) – 1965–1979
Waxay ku dhawaaqday madax-bannaani iyada oo aan oggolaansho ka haysan UK oo dhulkaas gumeysan jirtay, islamarkaana
Aqoonsi caalami ah ma helin, wuxuuna maamulkaasi la kulmay go’doon caalami ah iyo cunaqabataynno lagu soo rogay, balse ugu dambeyn waxay isu beddeshay Zimbabwe oo la aqoonsaday.
5. Jamhuuriyadda Federaalka Yugoslavia (Serbia & Montenegro) – 1992–2006
Serbia iyo Montenegro waxay sheegteen inay dhaxleen boqortooyadii Yugoslavia ee hore, taas oo markii dambe u kala go’day 6 dowladood oo kala ah Serbia, Croatia, Slovenia, Bosnia & Herzegovina, Montenegro, North Macedonia.
Aqoonsi buuxa ma helin bilowgii, taasina waxay ugu dambeyntii keentay inay kala tagaan, aqoonsigiina wuu dhammaaday.
6. Jamhuuriyadda Carabta ee Midowday (United Arab Republic) – 1958–1961
Jamhuuriyadda Carabta midowday waxay kala isku darkii Masar iyo Suuriya sanadkii 1958-dii, waxaana aqoonsaday beesha caalamka, balse wax ka yar sano ka dib waxaa go’iday Suuriya, dowladdiina way burburtay.
7. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta Saxaraha Galbeed (Western Sahara)
Waxaa sanadkii 1976-dii aqoonsaday in ka badan 40 dal iyo ururka midowga Afrika, balse aqoonsigaasi si buuxda ugama shaqeyn dhulka uu sheegato maamulka aaggaas ka jira ee gooni-goosadka Polisario, waaana deegaankaas intiisa badan sheegata boqortooyada Marooko.
Haddaba Aqoonsiga hal dawladi ma aha dammaanad buuxda oo dal madax-bannaan lagu noqan karo, balse waxaa loo baahanyahay taageero sharci oo caalami ah, sabab lagu qanci karo oo ay laba dql ku kala go’i karaan, iyo aqbalaadda ururrada caalamiga ah.