U bood dhigaalka

Bannaanbaxyo Xooggan oo Ka dhan ah Aqoonsiga Sharci-darrada ah ee Israa’iil ay Siisay Soomaaliland

Bannaanbaxyo waaweyn oo si weyn looga soo horjeedo aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ku dhawaaqday inay siisay Soomaaliland ayaa ka dhacay inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

Bannaanbaxyadan oo ahaa kuwo si isku mid ah uga curtay magaalooyin kala duwan ayaa muujinayay midnimo qaran iyo diidmo cad oo ku wajahan tallaabada ay Israa’iil qaaday.

Kumanaan shacab ah, oo ay wehliyeen waxgarad, culumo diimeed, dhalinyaro, haween, iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Laascaanood, Buuhoodle, Cadaado, Baxdo, Guriceel, Xarardheere, iyo deegaanno kale.

Dadka bannaanbaxayaasha ah ayaa watay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo muujinaya midnimada dhuleed ee dalka iyo diidmada kala-qaybinta Soomaaliya.

Bannaanbaxayaasha ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Culimo, iyo suugaanyahanko ka hadlay fagaarayaasha bannaanbaxyada ayaa adkeeyay in arrintani ay tahay mid ka hor imaanaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, ayna waajib tahay in si wadajir ah looga hortago.

bannaanbaxyadan ka dhacay gobollada kala duwan ee dalka ayaa si cad u muujiyay in shacabka Soomaaliyeed si mideysan u diiddan yihiin aqoonsi kasta oo sharci-darro ah oo lagu wiiqayo midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in beesha caalamku ixtiraamto madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.