Difaaca Qarannimada Soomaaliya iyo Dardargelinta Shidaalka: Nuxurka Shirka Jaraa’id ee Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga
Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Istanbul, si adag uga hadlay aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay Soomaaliland, arrimaha shidaalka, iyo difaaca madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa shir jaraa’idka ku sheegay in Turkigu uu si buuxda u taageersan yahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ankara aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo lid ku ah sharciga caalamiga ah iyo xasiloonida gobolka. Erdoğan ayaa si adag u cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Soomaaliland, isagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga iyo nabadda Geeska Afrika.
Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in sanadka 2026-ka uu dalkiisu dardargelin doono hawlaha shidaal qodista Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu uu soo diri doono laba markab oo cusub oo ku biiraya dadaallada sahminta iyo qodista shidaalka.
Wuxuu tilmaamay in iskaashigan tamareed uu yahay mid istiraatiiji ah, kana tarjumaya xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal.
Dhanka kale, Erdoğan ayaa hadal adag ka jeediyay xaaladda Falastiin, isaga oo Netanyahu ku eedeeyay dembiyo dagaal, kuna sheegay inuu mas’uul ka yahay dilka kumannaan dad rayid ah. Madaxweynaha Turkiga ayaa caddeeyay in dalkiisu si xooggan uga hortagi doono tallaabo kasta oo uu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga garab-istaagga joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta madaxbannaanida dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil uu wiiqayo amniga gobolka, islamarkaana uu khatar ku yahay xasilloonida Geeska Afrika.
Ugu dambeyn, labada Madaxweyne ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo adkeeyay mowqifkooda ku aaddan difaaca midnimada Soomaaliya iyo ka hortagga tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada dalka.