U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo si weyn u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ee Aqoonsiga Soomaaliland

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan xasaasi ah ka yeeshay tallaabadii ay Israa’iil sheegtay inay ku aqoonsatay Soomaaliland, arrintaas oo dhalisay walaac ballaaran iyo cambaarayn caalami ah oo ku saabsan xadgudubka loo geystay midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo amniga guud ee Geeska Afrika.

Intii uu socday fadhigu, dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa si isku mid ah u muujiyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna waajib tahay in la ixtiraamo qaanuunka caalamiga ah, xeerarka Midowga Afrika iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa si cad u sheegtay inaysan aqoonsan doonin Somaliland, iyadoo adkaysay taageerada ay u hayso midnimada Soomaaliya, isla markaana ku baaqday in xal waara lagu gaaro wada-hadal toos ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa.

Dowladda Mareykanka ayaa dhankeeda xaqiijisay inaysan wax isbeddel ah ku imaan mowqifkeeda ku aaddan wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayadoo Ku-simaha safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Dorothy Shea, ayaa fadhiga ka sheegtay in uusan jirin wax ku dhawaaqis ah oo la xiriira Somaliland, isla markaana siyaasadda Mareykanka aysan waxba iska beddelin.

Pakistan ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaantay mid khatar weyn ku ah amniga Geeska Afrika, halka Shiinaha iyo Ruushkuna ay sheegeen in ficilkaasi uu si toos ah uga hor imaanayo qaanuunka caalamiga ah iyo xeerarka Midowga Afrika, iyagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliland ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya.

Dalalka Denmark, Giriigga, Faransiiska, Panama iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaguna ku raacay mowqifkaas, iyagoo taageeray baaqyada Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ee ilaalinta madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa dhankiisa qaatay mowqif aad u adag, Safiirka Turkiga ee Qaramada Midoobayna wuxuu sheegay in tallaabada ay qaadday xukuumadda Netanyahu ay tahay mid halis ku ah gobol iyo mid caalamkaba ah, isla markaana ah xadgudub ku ah amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Wuxuu adkeeyay in Soomaaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, Turkiguna si buuxda u garab taagan yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana uusan marnaba aqbali doonin tallaabo wiiqaysa xasilloonida gobolka.

Masar ayaa dhankeeda sheegtay in aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland uu halis ku yahay amniga qaranka Masar iyo kan Geeska Afrika, iyadoo ku baaqday in tallaabooyin wadajir ah laga qaado ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanida Soomaaliya.

Ergayga Jaamacadda Carabta ayaa isna fadhiga ka sheegay in haddii aan la joojin tallaabooyinka Israa’iil, Bariga Dhexe ilaa Geeska Afrika ay wajihi karto xasillooni darro baahsan.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si cad u sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil u fidisay dhul ka tirsan Soomaaliya uu yahay mid sharci-darro ah, baadil ah, kana horjeeda xeerarka caalamiga ah.

Dhanka kale, maamul Israa’iil ayaa la yumid golaha dood aan maan-gal ahayn, asagoo ku andacooday in Soomaaliland ay horay u heshay xornimo isla markaana ay si iskood ah ula midowday Soomaaliya, iyadoo sheegtay in tallaabadeedu aysan ahayn mid lagu daandaansanayo dalal kale balse ay la xiriirto arrimo amni.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka, Abuukar Baalle, ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta Israa’iil, isagoo ku tilmaamay mid si toos ah u wiiqaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo amniga Geeska Afrika. Wuxuu caddeeyay in aqoonsi kasta oo Israa’iil siiso Somaliland uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana Soomaaliya ay si buuxda u diiddan tahay qorshe kasta oo Falastiiniyiinta Qaza dib loogu dejinayo gudaha dalka.

hadalka Danjire Abuukar Baalle wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay si cad uga hor yimaadaan tallaabadan sharci-darrada ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay taageersan tahay dadaallada nabadda ee Bariga Dhexe iyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, isla markaana ay Israa’iil isku dayayso inay abuurto kala-qaybsanaan iyo amni darro ka dhalata gobolka Geeska Afrika.