U bood dhigaalka

Kacdoonka Midnimada: Shacabka Soomaaliyeed oo bannaanbaxyo waaweyn kaga jawaabay damaca Israa’iil iyo kala goynta dalka

Munaasabado waaweyn oo isku soo baxyo ah ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo shacabka iyo maamulladu ay si wadajir ah ugu muujiyeen sida ay uga xun yihiin kana soo horjeedaan damaca ku aaddan kala goynta dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Magaalooyinka Muqdisho, Cadaado, Dhuusamareeb, Guriceel, Gaalkacyo Buuhoodle iyo caasimadda dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Laascaanood ayaa lagu qabtay banaanbaxyo ruxay magaalooyinkaas, iyadoo shacabku ay kor u qaayeen halku-dhigyo lagu difaacayo midnimada dalka, laguna cambaaraynayo qorshayaasha halista ah ee ka dhanka ah qaranimada.

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay goobta ay ka dhaceen isku soo baxyadii ugu ballaarnaa, waxaana dareenka shacabka ee ka dhashay ficillada Israa’iil iyo xulafadeeda uu u muuqdaa mid mideeyay quluubta dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka oo dhan.