Kulaka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo si weyn loogu taageeray Midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ku muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo si cad u diiday aqoonsiga ay Israa’iil ku sheegtay inay siisay Soomaaliland, kaasi oo la sheegay in aan lagu difaaci karin dood sharciyeed oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah.
Dalal badan oo ka tirsan Golaha Ammaanka iyo kuwa martida ku ahaa kulanka, oo ay ka mid yihiin Ruushka, Shiinaha, Pakistan, Faransiiska, UK, Masar, Turkiga, Jabuuti, Kuwayt, Koonfur Afrika, Giriigga, Guyaana, Baanama iyo Aljeeriya, ayaa si mideysan u adkeeyay in Soomaaliya tahay dal leh xuduud la aqoonsan yahay, isla markaana aan la aqbali karin wax tallaabo ah oo hal-dhinac ah oo lagu dhaawacayo midnimadeeda.
Wakiillada dalalkan ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay uusan lahayn sal sharciyeed, isla markaana uu khilaafsan yahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da ixtiraamka madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah QM.
Qaar badan oo ka mid ah dalalka hadalka qaatay ayaa si toos ah u cambaareeyay waxa ay ku tilmaameen faragelin cad oo uu maamulka Israa’iil ku sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Sidoo kale, dalalka Masar, Turkiga, Jabuuti iyo Kuwayt ayaa si gaar ah u muujiyay walaac ku saabsan saameynta amni ee tallaabadaasi ku yeelan karto Geeska Afrika, iyagoo sheegay in kala-qaybinta dalalka ay fursad siin karto kooxaha argagixisada ah iyo xasillooni-darro hor leh.
Dhanka kale, Wakiilka Mareykanka ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Washington aysan waxba iska beddelin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, isagoo xusay in Mareykanku weli taageersan yahay dadaallada nabadda, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada ee gobolka.