Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo shir muhiim ah ku leh Madaxtooyada Istanbul
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa haatan kulan muhiim ah ku leh xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Istanbul.
Kulankan oo ah mid heer sare ah ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay guulaha laga gaaray sahminta iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, iyada oo si gaar ah loo eegayo fursadaha maalgashi, tamarta, iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalka si waafaqsan danaha qaranka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay kor u qaadidda iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, oo ay ka mid yihiin dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, iyo taageerada Turkiga ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ay qabtaan kulan warbaahineed oo wadajir ah, si ay faahfaahin uga bixiyaan natiijooyinka kulanka iyo qodobbada lagu heshiiyay, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo labada dowladood.
Kulankan ayaa imaanaya xilli xasaasi ah, waxaana lagu tilmaamay mid muujinaya taageerada joogtada ah ee Turkiga uu u hayo Soomaaliya, iyo go’aanka labada dal ee ah in la sii adkeeyo iskaashiga ku dhisan dan wadaag iyo ixtiraam qaranimo.