Xukuumadda Netanyahu oo Waji-gabax Kala Kulantay Fadhigii Golaha Ammaanka, iyo dalalka waaweyn oo si adag u diiday aqoonsiga Soomaaliland
Xukuumadda Netanyahu ayaa xalay waji-gabax weyn kala kulantay kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii dhammaan dalalkii ka hadlay kulankaasi ay si adag uga horyimaadeen tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga sharci-darrada ah ee Soomaaliland.
Dalalka hadalka ka jeediyay Golaha Ammaanka, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen Boqortooyada Midowday (UK), Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Pakistan, Turkiga, Masar, Kuwayt, Koonfur Afrika, Giriigga, Panama, Denmark, Kuuriyada Koonfureed, Jabuuti, Guyaana, iyo Slovenia, ayaa dhammaantood isku mowqif ka qaatay in la diido tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Ururka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa kulanka si cad uga sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay uu yahay mid sharci-jab ah, kana hor imaanaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah, xeerarka Qaramada Midoobay, iyo qaraarrada caalamiga ah ee xaqiijinaya midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Wakiillada dalalkaasi ayaa adkeeyay in Soomaaliya tahay dal madax-bannaan oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana aysan jirin cid xaq u leh inay si hal-dhinac ah u farageliso arrimaheeda gudaha ama u wiiqdo wadajirka dhuleed ee dalka.
Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa kulanka ka sheegtay in mowqifkeeda ku aaddan Geeska Afrika uusan waxba iska beddelin, gaar ahaan arrimaha la xiriira Soomaaliya, iyadoo hoosta ka xariiqday in Washington ay weli taageersan tahay xasilloonida, wada-hadalka, iyo ixtiraamka nidaamka caalamiga ah.
kulankii Golaha Ammaanka ayaa si cad u muujiyay go’doon diblumaasiyadeed oo soo foodsaaray xukuumadda Netanyahu, halka beesha caalamka ay si aqlabiyad leh u caddeeyeen in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin kuwo lama taabtaan ah, islamarkaana aan la aqbali karin aqoonsi kasta oo sharci-darra ah.