U bood dhigaalka

DFS iyo Golaha ammaanka oo dalbaday in arrinta soomaaliland lagu dhammeeyo wada-hadal

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulankii dhowaan ka dhacay magaalada New York, ee lagu diiday Aqoonsigii sharci-darrada ah ee Israa’iil, wuxuu ka soo saaray baaq mideysan oo loo jeediyay Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Somaliland, iyagoo si cad u muujiyey taageeradooda midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa si isku mid ah u diiday tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsi sharci-darro ah oo ay xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku aqoonsatay Soomaaliland.

Golaha Ammaanka ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan waafaqsaneyn sharciga caalamiga ah, isla markaana aysan waxba ka beddelayn mowqifka beesha caalamka ee ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in arrinta Somaliland ay tahay mid u baahan in lagu xalliyo wada-hadal gudaha ah oo ay yeeshaan Soomaalida dhexdooda, iyagoo caddeeyey inaysan jirin baahi loo qabo faragelin dibadeed ama dhinac saddexaad oo arrintaas ku lug yeesha.

Waxay ku boorriyeen labada dhinac inay ka faa’iideystaan fursadaha wada-xaajood si loo gaaro xal waara oo ku saleysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan si rasmi ah Soomaaliland uga dalbaday wada-hadal degdeg ah, isagoo tilmaamay in wada-hadalku yahay dariiqa keliya ee lagu gaari karo maslaxadda guud, laguna xoojin karo midnimada, nabadda iyo xasilloonida dalka.