U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in Soomaaliland ay Aqoonsiga Israa’iil uga badelatay seddax qodob oo halis ku ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay Soomaaliland, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid halis weyn ku ah Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba

Madaxweynaha, oo ku sugan dalka Turkiga, ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Aljazeera, isagoo sheegay in Israa’iil ay isku dayday inay aqoonsiga Soomaaliland ku bedelato saddex qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ah: saldhig ciidan oo dalal kale looga duulo,
In dadka reer Falastiin lagu soo raro deegaanadaas, iyo Soomaaliland lagu daro heshiisyada caadiyaynta xiriirka Israa’iil ee loo yaqaan Abraham Accords.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u diiday dhammaan dalabyadaas, isagoo ku adkeystay in aan marnaba la gorgortami karin madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qadiyadda Falastiin.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay taariikh dheer u leedahay taageerada shacabka Falastiin, isla markaana aysan aqbali doonin qorshe kasta oo wax u dhimaya xuquuqdooda ama amniga gobolka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in Soomaaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin cid awood u leh inay kala goyso Soomaaliya.