U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Jabuuti oo xirtay xafiiskii Somaliland ka dib xiriirkii ay la yeelatay Israa’iil

Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u xirtay xafiiskii matalaada ee maamulka Somaliland ku lahaa dalkaas, iyadoo tallaabadan ku sifeysay mid lagu difaacayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Jabuuti ayaa lagu caddeeyey inaysan marnaba aqbali doonin ku xad-gudubka sharciyada caalamiga ah, gaar ahaan ka dib markii ay Somaliland xiriir diblomaasiyadeed la yeelatay Israa’iil, taas oo Jabuuti ku tilmaantay go’aan ka hor imaanaya qawaaniinta caalamka.

Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaa iyaguna horey ugu yeeray wakiilkoodii Jabuuti u fadhiyey, taas oo muujinaysay in xiriirkii labada dhinac uu gaaray heerkii ugu hooseeyey.