Dekedda Muqdisho oo wajaheysa caqabado dhanka maamulka iyo amniga ah ka dib khilaaf cusub oo soo shaac baxay
Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa xilligan wajaheysa xaalad cakiran iyo caqabado dhanka amniga iyo maamulka ah, ka dib markii uu soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya maamulka sare ee dekedda iyo laamaha booliska ee halkaas ka hawlgala.
Xiisaddan ayaa kor u kacday ka dib markii xilkii laga qaaday Taliyihii Booliska ee dekedda, kaas oo xafiiska joogay muddo ka yar laba bilood, isagoo xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid salka ku haysa diidmo uu diiday inuu sii daayo shixnad maandooriye ah oo halkaas soo martay.
Eedaymahan culus ee ka soo yeeray taliyaha xilka laga qaaday ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta iyo xasiloonida dekedda, iyadoo dhanka kale Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), uu si adag u difaacay maamulkiisa.
Maareeyaha ayaa ku adkaystay in dekeddu ay tahay meel ka caagan maandooriyaha, isagoo xusay inay ka go’an tahay ilaalinta bulshada, balse is-khilaafkan ayaa u muuqda mid wiiqaya wadashaqayntii ka dhaxaysay maamulka madaniga ah iyo ciidamada amniga ee ilaalada ka ah marinka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Diyaano ayaa dhankiisa lagu eedeeyay in uu la saftay maamulka dekedda iyo Ganacsato islamarkana uu xilka si deg deg uga qaaday Taliyihii uu magacaabay Maalmo ka hor.
Caqabadan cusub ee soo wajahday Dekedda Muqdisho ayaa timid xilli laga filayay inay sare u qaaddo nidaamka xisaabtanka iyo baarista badeecadaha, balse eedaymaha musuqmaasuq iyo fududeynta maandooriyaha ayaa abuuri kara kalsooni darro dhanka ganacsatada iyo shacabka ah.