Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Daawada ee dalka
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka muhiimka ah ee Daawada, kaas oo ay horey u soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah oo aqlabiyad leh ku ansixiyay sharcigan, kaas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo tayada daawada dalka soo gasha iyo kuwa gudaha lagu iibiyo, si loo ilaaliyo caafimaadka dadweynaha loogana hortago dawooyinka tayadoodu hoosayso ama dhacay.
Sharcigan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo horay loo qaaday, maadaama uu awood u siinayo dowladda in ay si adag u kormeerto goobaha caafimaadka iyo shirkadaha keena daawooyinka, taas oo muddooyinkii u dambeeyay ahayd mid aan nidaamsanayn.