Maxay Soomaaliya uga dhigantahay la wareegidda madaxtinimada Golaha ammaanku?
Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib munaasabad lagu qabtay xarunta QM ee New York.
Tallaabadan ayaa muujinaysa kaalinta diblomaasiyadeed ee sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo ka qaybgalkeeda arrimaha nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyadoo dalka uu ka mid yahay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.
La wareegidda hoggaankan ayaa ku soo aadaysa xilli ay taagan yihiin xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan muranka ka dhashay wararka ku saabsan Aqoonsiga Sharci-darrada ah ee ay Israa’iil siisay Somaliland, arrintaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya si cad uga hor timid.
Dowladda Soomaaliya waxay dagaal dublumaasiyadeed oo adag u gashay in aan la kala goyn karin dalka, sidaas darteedna tallaabo kasta oo aqoonsi ah waxay u aragtaa mid ka hor imanaysa madax-bannaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.
Hoggaanka Golaha Ammaanka, inkasta oo uu yahay mid wareeg ah oo muddo kooban ah, haddana wuxuu Soomaaliya siinayaa miisaan siyaasadeed iyo madal caalami ah oo ay ku gudbiso mowqifkeeda.
Inta ay guddoominayso kulamada Golaha, Soomaaliya waxay yeelanaysaa awood ay ku hoggaamiso doodaha, u hagto ajandaha kulamada, isla markaana ay ku iftiimiso arrimaha ay mudnaanta siinayso, sida amniga Geeska Afrika, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta mabda’a Qaramada Midoobay ee ku saleysan madax-bannaanida dalalka iyo ixtiraamka xuduudaha caalamiga ah.
Kursigan wuxuu sidoo kale Soomaaliya u noqonayaa fursad ay ku difaacdo mowqifkeeda ku aaddan Soomaaliland iyo aqoonsiga aan sharci ahayn ee maamulka Israa’iil uu siiyay, iyadoo adeegsanaysa dariiq diblomaasiyadeed iyo mid sharci ah.
Madasha Golaha Ammaanka ayaa u oggolaanaysa in Soomaaliya si toos ah ula hadasho quwadaha waaweyn ee caalamka, kuna adkaysato in aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland uu yahay mid khilaafsan qawaaniinta caalamiga ah.
Inkasta oo Soomaaliya aysan lahayn awoodda diidmada (veto), haddana joogitaankeeda hoggaanka Golaha wuxuu sare u qaadaya maqaamkeeda iyo saameynteeda siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee la wareegidda hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya u tahay guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah, kuna timid xilli ay u baahan tahay cod caalami ah oo ay ku difaacdo midnimadeeda iyo danaha qaranka.