Soomaalilaan iyo Israa’iil: Is-aqoonsi ku Dhisan Reja-la’aan
WQ: Cumar Cali Baashe
Lataliyaha Siyaasadda ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha JFS
26kii Diseenbar 2025, waxaa khadka taleefanka ku wadahadlay labo maamul; mid ka mid ah waa maamul gacan-ku-dhiigle ah oo xasuuq u geystay carruur iyo haween, halka kan kalana yahay maamulka goonigoosadka ah ee Waqooyi-Galbeed Soomaaliya. Kulankaas waxaa ka dhashay tallaabo si weyn loogu tilmaamay mid sharcidarro ah, taas oo ah in aqoonsi aan sharci ahayn la siiyo maamulka goonigoosadka ah ee isku magacaabay “Soomaalilaan”.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay middii ugu xasaasiyaysnayd dhinaca mandiqadda Geeska Afrika sannadkii dhammaaday ee 2025. Israa’iil oo ah maamul gumaysi ku dhisan, kana arradan ixtiraam iyo sharciyad caalami ah, ayaa ku soo biirtay mandiqad markii horaba la daaladhacaysay duruufo siyaasadeed, amni iyo kuwo bani’aadannimo.
Qoraalkan waxaa lagu falanqaynayaa sababaha iyo natiijooyinka laga filan karo aqoonsigan sharcidarrada ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka goonigoosadka ah ee Waqooyi-Galbeed Soomaaliya iyo saykaloojiyadda qar-iska-tuurnimada ah ee ay ku dhisantahay maamulka goonigoosadka ah.
Sida la wada ogyahay, Israa’iil wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar waxay gashay go’doon siyaasadeed iyo hoosudhac weyn oo dhinaca sumcadda ah, iyadoo la kulantay dhaleecayn ballaaran oo kaga timid xulafadeedii hore. Taasi waxay ku qasabtay in ay raadiso siyaabo ay ku jebin karto go’doomintaas caalamiga ah. Dadaalladaas waxaa ka mid labakaclaynta heshiiska loo yaqaan “Abraham Accord”, kaas oo ujeeddadiisu tahay in la caadiyeeyo xiriir lala yeesho maamulka gacan-ku-dhiiglaha ah ee muddo ka badan 80 sano xoog iyo gardarro ku haystay dhulka Falastiiniyiinta.
Heshiiskan “Abraham Accord” waxaa si weyn ugu qareemayay Dawladda Imaaraadka Carabta, oo dadaal badan gelisay in ay u hesho taageero dowlado kale, iyadoo adeegsanaysa diblomaasiyad ku dhisan danaysi, kibir iyo cawaandinimo. Warar la helayo ayaa tilmaamaya in Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya lagu cadaadiyay in ay ka mid noqoto dadaalladaas, balse ay si cad u diidday. Waxaa jiray iskudayo lagu doonayay in la isku soo dhoweeyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Israa’iil, arrintaas oo uu si dadban u xaqiijiyay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil.
Markii ay fashilmeen dadaalladii lagu soo jiidan lahaa Dawladda Federaalka ah, Israa’iil iyo Imaaraadku waxay u weecdeen maamulka goonigoosadka ah ee Somaliland, iyagoo u arkay dookha kaliya ee haray. Dhinaca kale, maamulka goonigoosadka ah ee Soomaalilaan ayaa muddooyinkii danbe ku jiray xaalad niyadjab ah ka dib jabkii militari ee Goojacadde, taas oo ku riixday in ay qaataan siyaasad qar-iska-tuurnimo ku dhisan.
Siyaasadaha noocan ah ee ka dhasha niyadjabka (depressed politics) kuma dhisna xisaab caqliyadeed iyo istaraatiijiyad fog, balse waxay ku dhisan yihiin caadifad, caro iyo aargoosi. Taasi waa waxa horseeday in maamulkaasi galo heshiis is-afgarad ah (MoU) oo uu la galay Itoobiya, kaas oo si weyn uga hortimid Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xulafadeeda caalamiga ah, ugu danbayntiina ku dhammaaday “Heshiiskii Ankara” (Ankara Declaration).
Niyadjabkaasi wuxuu sii xoogaystay markii Ra’iisulwasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu booqday degaanno laga saaray gacanta maamulka goonigoosadka ah, isla markaasna looga dhawaaqay dhismaha dawladgoboleed hoos yimaada Dawladda Federaalka ah. Arrimahaas oo isbiirsaday waxay maamulka Soomaalilaan ku rideen xaalad walaac iyo hubanti-la’aan ah (anxiety mood), taas oo dhalisay go’aanno degdeg ah oo aan miisaan siyaasadeed lahayn.
Haddii si kooban loogu taariikheeyo halka ay ka soo unkanto siyaasadda qar-iska-tuurnimada, waxay salka ku haysaa dhismaha maamulka goonigoosadka ah laftiisa, kaas oo adeegsaday aydiyolojiyad ku dhisan mashruuc caadifadeed, laguna maalgelinayay dhibaatadii iyo xasuuqii ay geysatay Xukuumaddii Kacaanka, si loo sharciyeeyo goonigoosadka. Sidoo kale, waxaa la sameeyay dib-u-akhrin taariikheed oo lagu abuurayo taariikh gacan-ku-samays ah, laguna buunbuuninayo hayb dhalanteed ah (fake identity), si loo kala fogeeyo Soomaalida inteeda kale.
Warbaahinta ayaa door weyn ka qaadatay dhismaha saykooloojiyad adag oo si buuxda u rumeysan fikradahaas. Hasayeeshee, saykooloojiyaddaasi waxay la kulantay xaqiiqooyin adag, sida in dad badan oo ku nool degaannada lagu muransan yahay aysan la wadaagin caadifadda goonigoosadka, isla markaasna Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si tartiib ah u soo kabanaysay awooddeedii dawladnimo.
Ugu danbayntii, siyaasadda murugada ku dhisan ee “Depressed Politics” salkeedu waa rejo-la’aan, cabsi iyo hubanti-la’aan mustaqbal, taas oo keentay in laga tallaabsado qiyamkii diiniga iyo dhaqan Soomaaliga ahaa, lana isku dhiibo maamul ka mid ah kuwa ugu sumcadda xun dunida casriga ah.
Danta Israa’iil marka laga yimaado jebinta go’doominta, waxay ka rabtaa maamulka goonigoosadka ah qodobbadan:
- In la aqoonsado sharciyadda joogitaanka Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta, lana aqbalo Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.
- In Xamaas iyo xoogagga iskacaabbinta loo aqoonsado argaggixiso.
- In la siiyo saldhigyo ciidan oo ay kula dagaallanto Iran iyo Xuutiyiinta Yemen.
- In dhul loo qoondeeyo dejinta Falastiiniyiin si khasab ah looga rarayo dhulkooda.
Dhankeeda, Israa’iil waxay ballanqaadaysaa in ay aqoonsi siiso maamulka goonigoosadka ah ee Soomaalilaan.
Arrintan ayaa durba la kulantay diidmo cad oo ka timid dawlado awood leh sida Sucuudiga, Turkiga, Qadar, Masar, Shiinaha, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta, taas oo sababtay in xitaa Imaaraadka iyo dawlado kale oo yaryar ay ka gaabsadaan in si rasmi ah ugu dhawaaqaan aqoonsiga maamulka goonigoosadka.
Dhanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa dul saaran masuuliyad weyn. Hase yeeshee, waxaa muuqata in ay ka gaabisay kahortagga iyo xakamaynta dhaqamada goonigoosadka ah ee haatan ku fidaya meelo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Sidaas awgeed, waxaa lagamamaarmaan ah in ay qaaddo tallaabooyinka soo socda:
Guud ahaan:
- In si dhab ah loola dagaallamo argaggixisada halista ku ah jiritaanka ummadda, isla markaasna wiiqaysa awoodda dawladnimo. Sababtoo ah marka argaggixisada laga adkaado, waxaa si muuqata u burburi doona mashruuc kasta oo halis ku ah jiritaanka dawladeed iyo mid ummadeed ee Soomaaliya.
- In go’aanno cadcad laga qaato dhaqannada goonigoosadka ee kala duwan, sida federaalka isu ekaysiinaya dawladnimo madaxbannaan, iyo qabyaaladda federaaleysan ee isu rogtay hannaan furfuriya midnimadii dawladeed ee Soomaaliya.
- In la joojiyo caddaaladdarrada ku jirta qeybsiga xilalka iyo kheyraadka, si looga hortago dulmi iyo faquuq xoojin kara dareenka goonigoosadnimo.
Dhanka tallaabada Israa’iil ee aqoonsiga maamulka la baxay Soomaalilaan:
- In la xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah tallaabada Israel, lana ballaariyo ololaha caalamiga ah ee diidmada.
- In dib loo furo ajandaha Awdal State, isla markaasna la xoojiyo dadaallada dhismaha Dawladgoboleedka Waqooyi-Bari.
- In si cad loo kala saaro maamulka goonigoosadka ah iyo shacabka ku dhaqan degaannadaas, lana iska ilaaliyo abuurista nacayb, beegsi reereed, ama isirnacayb.
- In si cad looga hortago dadaallada Imaaraadka ee ku aaddan kalafurfuridda dawladaha gobolka (sida Yemen iyo Suudaan), isla markaasna dib loo eego xiriirka diblomaasiyadeed iyo heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Gunaanadkii, aqoonsiga ay raadinayso Soomaalilaan waa mid dhalanteed ah oo ku dhisan taariikh mala-awaal ah iyo caadifad, halka waddada saxda ah ee dawladnimo ay tahay in loo maro habraacyada caalamiga ah ee kalago’a dawladaha. Siyaasadda qar-iska-tuurnimada iyo mayal-adaygga ayaa khatar ku ah jiritaankooda ka hor inta aysan khatar ku noqon jiritaanka guud ee ummadda Soomaaliyeed.