Maxaa isku soo beegay Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland iyo ku dhawaaqidda gooni-goosashada Golaha Yementa Koonfureed ?
Labada dhinac ee badda cas iyo gacanka cadmeed waxaa dhowaan ka billowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo saameyn xooggan ku yeeshay Geeska Afrika iyo koonfurta Aasiya, ayadoo Israa’iil ay Soomaaliland aqoonsaday, dhanka kalena Golaha ku meelgaarka ah ee Yementa ayaa todobaad ka dib aqoonsigaas ku dhawaaqay inay ka laabteen la midoobiddii Waqooyi ee 30 sano ka hor dhacday.
Maalmihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay doodo, tuhaanno iyo falanqaynno siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku wajahan yihiin xoojinta saamayntooda amni iyo mid dhaqaale ee Geeska Afrika iyo Koonfurta Badda Cas.
Arrintan ayaa si gaar ah u soo shaac baxday kaddib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas dhalisay caro iyo cambaarayn ballaaran oo uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya, dalal kale oo gobolka ah, kuwa dunida, iyo ururrada caalamiga ah.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in Israa’iil ay Soomaaliland ka aragto dan istiraatiiji ah, maadaama ay ku taallo goob juqraafiyeed aad u xasaasi ah oo ku dhow marinka Baabul Mandab, kaas oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee u dhexeeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sida ay wararku tilmaamayaan, aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland ma ahayn mid kedis ah, balse waxaa ka horreeyay dhaqdhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo qarsoodi ah.
hoggaamiyaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa bishii Oktoobar safar qarsoodi ah ku tagey Israa’iil, halkaas oo la rumeysan yahay inuu kula kulmay mas’uuliyiin sare.
Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa tilmaamaya in Imaaraadka Carabta uu kaalin ka qaatay fududeynta safarkaas, taasoo sii xoojisay tuhaannada la xiriira wada-shaqeyn istiraatiiji ah oo u dhaxeysa Abu Dhabi iyo Tel Aviv.
Dhanka kale, aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland ayaa ku soo beegmay xilli ay Yemen ka jiraan isbeddello amni iyo kuwo siyaasadeed oo waaweyn, ayadoo Koox gooni-u-goosato ah oo ka hawlgala koonfurta Yemen, islamarkaana taageero xooggan ka helaya Imaaraadka Carabtu, ay la wareegay magaalooyin dhowr ah.
Kooxahan ayaa horay u shaaciyay inay ka baxeen midnimadii Waqooyiga iyo Koonfurta Yemen, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Imaaraadka iyo Israa’iil ay ka fiirsanayaan inay mustaqbalka u aqoonsadaan maamul madax-bannaan.
Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in Somaliland iyo Yemen Koonfureed oo wadaaga muhiimad istiraatiiji ah,kuna yaallaan aag ay labada dhinac ka xakameeyn karaan Badda Cas iyo marinka Baabul Mandab, ay Israa’iil iyo Imaaraadku doonayaan inay si buuxda u qabsadaan.
Sida ay qabaan khubaradu, haddii Imaaraadka iyo Israa’iil ay halkaas ka sameystaan maamullo xulufo la ah, waxay u sahlaysaa inay si toos ah u ilaashadaan danahooda amni, ganacsi iyo milatari, isla markaana saameyn ku yeeshaan isu socodka maraakiibta caalamiga ah.
Inkasta oo aanay jirin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa heshiis si buuxda u qeexan oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Israa’iil oo lagu kala goynayo Soomaaliya iyo Yemen, haddana isku beeganka dhacdooyinkan iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda gobolka ayaa sare u qaaday shakiga iyo walaaca laga qabo in la wiiqayo midnimada dalalkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku jirta dadaal xooggan oo ay uga hortagayso Aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil, halka Yemen oo ku baraarugtay hagar-daamaha Imaaraadkuna ay saacado kooban u qabatay in ciidamada Imaaraadku ay dhulkeeda ka baxaan.