Soomaaliya oo shir guddoominaysa kulankii ugu horreeyay ee golaha ammaanku uu yeelanayo bishan Janaayo
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir-guddoominaysa kulan haatan socda oo ah kii ugu horreeyay ee bishan Janaayo ee yeesho Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, islamarkaana looga hadlayo tillaabadii uu Mareykanku dhowaan ka qaaday Venezuela.
Soomaaliya ayaa bishan Janaayo si rasmi ah u haysa Madaxweynaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, arrintaas oo muujinaysa kaalinta sii kordhaya ee ay dalkaasi ku yeelanayso masraxa diblomaasiyadda caalamiga ah.
Kulankan oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, waxaa shir-guddoominayay Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baale, oo ah Madaxweynaha Golaha Ammaanka bisha Janaayo.
Intii uu kulanku socdo, xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ka doodaya xaaladda Venezuela, gaar ahaan weerarkii Mareykanku qaaday, iyadoo la falanqeeyay saameynta uu ku yeeshay amniga gobolka, sharciga caalamiga ah iyo xiriirka dowladaha.
Shir-guddoominta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka bishan Janaayo ayaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed, isla markaana muujinaysa kalsoonida ay beesha caalamku ku qabto doorka ay Soomaaliya ka qaadan karto arrimaha amniga iyo nabadda dunida.