Culimada Soomaaliyeed oo ku Baaqay Mudaaharaad Weyn oo looga soo Horjeedo Faragelin Shisheeye
Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray baaq culus oo ku aaddan mudaaharaad weyn oo maalinta berri ah ka dhacaya taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Baaqan oo ay wadajir u soo saareen culimada ugu caansan dalka, ayaa looga dhiidhinayaa wax ay ku tilmaameen weerar indha-cadeys ah iyo faragelin lagu hayo diinta iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si adag u sheegay in dalka lagu hayo gardarro lagu doonayo in lagu kala gooyo, isaga oo ku baaqay in la isugu soo baxo difaaca qarannimada.
Dhankiisa, Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdulbaari ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in looga dhiidhiyo faragelinta diimeed iyo midda waddan ee ay Israa’iil ku hayso dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Sheekh Yuusuf Cali Ceynt iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa iyaguna ku baaqay in qof kasta oo iimaan leh ay ku waajib tahay inuu u hiiliyo diinta Allah, isagana difaaco weerarka ay ku tilmaameen mid gardarro ah oo ka imanaya cadawga.
Mudaaharaadkan oo ay ka qeyb geli doonaan culimada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka, ayaa looga gol-leeyahay in dunida looga tuso midnimada Soomaaliyeed iyo sida looga go’an yahay ilaalinta dalka iyo diinta, iyada oo laga dardaarmayo wax kasta oo wax u dhimaya jiritaanka qaranka.