Golaha Ammaanka Midowga Afrika oo maanta kulan degdeg ah ka yeelanaya Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland
Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan degdeg ah isugu imanaya, kaddib tallaabadii uu maamulka Israa’iil ku aqoonsaday oo ay dunidu si weyn u diiday, xasillooni darrona ka abuurtay gobolka Geeska Afrika.
Kulankan degdegga ah ayaa imanaya xilli ay Israa’iil isla maanta ay qaaday tallaabo kale oo xadgudub ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, kaddib markii wefdi heer wasiir ah oo ka socda xukuumadda Netanyahu ay ka degeen magaalada Hargeysa.
Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, wefdigan ayaa la filayaa inay kormeeraan dhul ku yaalla magaalada Berbera, kaas oo lagu warramayo in Israa’iil ay doonayso inay ka samaysato saldhig ciidan, islamarkaana ay ka weerarto dalal kale.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabooyinkan ku tilmaantay kuwo si cad u jebinaya sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo heshiisyada Midowga Afrika ee dhowra xuduudaha dalalka xubnaha ka ah, balse maamulka Netanyahu ayaa u muuqda mid sharci-darrada caado ka dhigtay.