Bannaanbixii ugu weynaa oo Muqdisho ka socda iyo Culimada Soomaaliyeed oo dadka iyo dowladda ugu baaqay in laga hortago xadgudubka Israa’iil
Bannaanbaxyo ballaaran oo ay hoggaaminayaan culimada Soomaaliyeed ayaa maanta ka socda magaalooyin kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo si adag looga soo horjeedayo xadgudub cad oo uu maamulka Israa’iil ku hayo midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bannaanbaxyadan oo ay si weyn uga qayb galeen kumannaan shacab ah ayaa si gaar loogu diiddanyahay aqoonsigii sharci-darrada ahaa ee Israa’iil ay siisay Soomaaliland, iyo sidoo kale booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil uu ku tagay magaalada Hargeysa, oo ay bannaanbaxayaashu ku sifeeyeen caasimadda labaad ee Soomaaliya, kuna tilmaameen tallaabo xadgudub ku ah qaranimada dalka.
Fagaaraha Daljirka Dahsoon ee Muqdisho ayaa noqday goobta ugu weyn ee bannaanbaxa, halkaas oo culimada iyo dadweynaha isugu soo baxay ay si mideysan u muujiyeen diidmo xooggan oo ka dhan ah xadgudubka maamulka Talaabiib.
Dadkii bannaanbaxa ka qayb galay ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay kaga soo horjeedaan duullaanka iyo faragelinta ay ku eedeeyeen Israa’iil, iyagoo dalbanayay in la ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Culimadii hoggaaminaysay bannaanbaxa ayaa khudbado kulul ka jeediyay fagaaraha, iyagoo si adag u cambaareeyay duullaan siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo ay Yuhuudda ku hayaan Soomaaliya.
Sidoo kale, culimadu waxay baaq midnimo iyo difaac qaran u direen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyagoo ku adkeeyay in la iska kaashado ilaalinta madax-bannaanida dalka, lana joojiyo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.