U bood dhigaalka

Turkiga oo degdeg u hirgelinaya saldhigga Dayax-gacmeedyada ee uu Soomaaliya ka dhisayo

Dowladda Türkiye ayaa billowday hirgelinta mashruuca istiraatiijiga ah ee dhismaha Saldhigga dayax-gacmeedyada oo laga dhisayo gudaha Soomaaliya, taas oo la filayo inay si weyn uga caawiso Türkiye inuu ku biiro dalalka leh dayax-gacmeedyada iyo gantaallada hawada sare.

Hirgelinta mashruucan ayaa haddii uu guulaysto wuxuuTurkiga u suurta-gelin doonaa ku biirista suuqyada tamarta hawada sare oo qiyaastii $1.8 tirilyan oo doolar gaari doona bartamaha 2030-meeyada, ayadoo Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Türkiye, Mehmet Fatih Kacir, uu xaqiijiyay in daraasaddii suurta-galnimada iyo naqshadeynta mashruuca la dhammeeyay, isla markaana wejigii koowaad ee dhismaha uu haatan ka socdo dhul Soomaaliya ay siisay Türkiga, kaddib heshiis labo geesood ah oo dhex maray labada dowladood.

Mashruucan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Wasaaradda Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Türkiye, Hay’adda Hawada Sare ee Türkiye (TUA) iyo hay’ado kale oo qaran, kuwaas oo u arka saldgiggan hawada sare mid fure u noqon karta mustaqbalka tiknoolajiyadda dalkaas.

Mashruuca ayaa si rasmi ah loo shaaciyay 30-kii Diseembar, markaas oo Madaxweynaha Türkiye Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay kulan ku yeesheen magaalada Istanbul, halkaas oo Erdogan ku sheegay in Ankara ay qorsheyneyso in xarun lagu rido gantaallada hawada sare laga dhiso xeebaha Geeska Afrika.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in baahida caalamiga ah ee adeegyada ridista dayax-gacmeedyada ay si xowli ah u kordhaysay sanadihii u dambeeyay, taas oo si gaar ah ay hormuud uga tahay shirkadda Mareykanka ee SpaceX, oo fulisa ku dhawaad 200 hawlgallo ridis dayax-gacmeed ah sanadkii, badankoodna ka dhaca laba goobood oo kaliya oo ku yaalla Mareykanka.

dhaqaalaha hawada sare ee caalamka ayaa gaaray $600 bilyan sanadkii 2024, waxaana la saadaalinayaa inuu ku dhowaado $1.8 tirilyan bartamaha 2030-meeyada, ayadoo adeegyada ridista dayax-gacmeedyada ay ka midyihiin qaybaha ugu kobaca badan, maadaama dowlado iyo shirkado gaar loo leeyahay ay ku tartamayaan isgaarsiinta, difaaca, hagidda, iyo kormeerka dhulka.