U bood dhigaalka

Hindiya oo si cad u taageertay midnimada dhuleed ee Soomaaliya kaddib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Hindiya ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa sheegay in New Delhi ay mar walba ku adkeysato ixtiraamka midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Afhayeenku wuxuu xusay in mowqifka Hindiya uu waafaqsan yahay mabaa’diida Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, isla markaana Hindiya ay taageersan tahay xalal lagu ilaaliyo xasilloonida iyo wadajirka dalalka Geeska Afrika.

Wuxuu intaa ku daray in Hindiya ay xiriir saaxiibtinimo iyo iskaashi la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladnimadeeda.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, weli kama helin aqoonsi caalami ah inta badan dalalka adduunka. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Israa’iil qaaday 26-kii Diseembar ee ay ku aqoonsatay Somaliland ayaa dhalisay falcelinno kala duwan oo caalami ah, kuwaas oo ay ka mid tahay mowqifka cad ee Hindiya ay ku taageertay midnimada Soomaaliya.