U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Falastiin oo si wadajir ah u diiday aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ku sheegtay Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan gaar ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Dawladda Falastiin, Marwo Dr. Varsen Aghabekian Shahin.

Kulankan ayaa dhacay inta uu socday shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii uu socday kulanka, labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray “Somaliland” oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay fal ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo mabaa’diida Qaramada Midoobay.

Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista sharciga caalamiga ah iyo ixtiraamka madaxbannaanida dalalka xubnaha ka ah beesha caalamka.

Waxay muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan dhammaan dadaallada lagu ilaalinayo midnimada qaran, xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.