Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wasiirka Waxbarashada Ergay ahaan ugu diray Dowladda Qatar
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, Mudane Dr. Maxamed bin Cabdulcasiis bin Saalax Al-Khulaifi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, waxbarashada, iyo taageerada hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimo kale oo dan wadaag ah.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar ayaa mar kale adkeeyay mowqifka joogtada ah ee Dowladda Qatar ee taageerada buuxda u haya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in Qatar ay sii wadi doonto garab istaagga hay’adaha sharciga ah ee dowladda.
Dhankiisa, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar doorka ay ka qaadaneyso taageerada Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.