Puntland oo ka soo horjeesatay go’aankii DFS ay ka qaadatay xariirka Imaaraadka
Puntland oo war ka soo saartay go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ayadu masuul ka tahay cidda ay heshiis amni la galayso, ayadoo ku gacan sayrtay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-Saxaafadeed uu soo saaray maamulka Puntland ayaa lagu yiri “
Puntland waxay caddeynaysaa in si waafaqsan Dastuurka Puntland iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya (2012) qodobkiisa 142-aad ay iyadu leedahay masuuliyadda ilaalinta, laalista iyo wax ka badelka heshiisyada horumarineed iyo amni ee ay kulajirto Shirkadaha iyo dowladaha aan saaxiibka nahay ee ka hawlgala gudaha Puntland, gacanna ka geysta dagaalka lagu la jiro Argagixisada Daacish, Al-shabaab iyo Burcadbadeedka.
Sidaas darteed, warka maantay ka soo yeeray Golaha Xukuumadda Dowladda Federaalka soomaaliya ee la sheegay in lagu laalay heshiisyada Mashruuca horumarinta Dekadda Bosaaso iyo kuwa iskaashiga amni ee u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta waa waxba kama jiraan.
Waxaa cad in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu sii dhammaanayo uu ka shaqeynayo in uu kala geeyo, colaadna kala dhex dhigo Ummadda Soomaaliyeed ee ay horay u soo daashatay duruufo ka dhashay jahwareer siyaasadeed iyo amnixumo baahsan. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu go’aanada qar iska tuurnimada ah uga golleeyahay in uu ku carqaladeeyo in Soomaalidu ka tashato arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso in Dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay oo lagu soo doorto hay’adaha Dowladda Federaalka ah ee Baarlamaanka labada Aqal iyo Madaxweynaha JFS.
Dowladda Puntland waxay bilowgii sanadkii 2023 hakisay wada shaqeyntii hay’adaha Dowladda Federaalka ah kadib markii Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud uu si u gooni ah oo sharci darro ah ugu takri falay Dastuurka, uuna laalay qodobada aasaasiga u ah jiritaanka Dastuurka kumeel gaarka ah ee heshiiska lagu yahay iyo hannaanka dowlad dhiska. Go’aankaas ayaa wali taagan inta laga helayo Soomaali isaga timaada, kana tashata arrimaha masiiriga ah ee saldhigga u ah dhismaha dowladnimo heshiis lagu yahay oo baadi goobta Soomaali mid ah, nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka federaaliga ah.
Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa, cid walba oo ay quseysana gaarsiinaysaa in warka ka soo baxay Xukuumadda Federaalka uu yahay mid hareer marsan qawaaniinta iyo Dastuurka Puntland iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka, sidaas darteedna uu yahay mid aan waxba ka jirin, wax saameyn ahna ku yeelan doonin wada shaqeynta Dowladda Puntland iyo Dowladda isutagga Imaaraatka Carabta iyo Shirkadda gacanta kuhaysa horumarinta Dekadda Bosaaso, kuwaas oo Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland uu kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo soo jireen ah, saldhigna u ah horumarinta dhaqaalaha guud ahaan Dalka Soomaaliya”.