Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wadahadallo Fogaan-Arag ah la yeeshay dhiggiisa Koonfur Kuuriya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Isniintii wada-hadallo labo-geesood ah oo ku qabsoomay fogaan-arag la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kuuriya (Koonfur Kuuriya), Mudane Dr. Cho Hyun.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyo kala duwan.
Labada wasiir waxa ay sidoo kale ka wada hadleen arrimo dan wadaag ah, oo ay ka mid tahay joogitaanka ciidanka badda ee Jamhuuriyadda Kuuriya ee Gacanka Cadmeed, iyo guud ahaan horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Kuuriya ayaa mar kale adkeeyay ixtiraamka buuxa ee dalkiisu u hayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah iyo mabda’a aan faragelinta lagu samayn arrimaha gudaha dalalka kale.