Dood sharciyeed ku saabsan Axdigii midnimada Soomaaliya ee 1960-kii iyo sharciga dowladnimada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho
Dood sharciyeed si qoto dheer loogu falanqeeyay axdigii dib u midowgii Soomaaliya Koonfur iyo Waqooyi iyo aasaaska sharci ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dowladnimada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo ay soo abaabushay warbaahinta Goobjoog.
Dooddan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda taariikheed, sharci iyo mid siyaasadeed ee midnimadii 1960-kii, iyo sida ay weli u saameyneyso hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya maanta.
Madasha doodda waxaa marti ku ahaa Abuukaate Maxamed Ciise Turunji, oo ah sharci-yaqaan si weyn looga yaqaan dalka, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo marti sharaf kale oo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno, diblumaasiyiin, aqoonyahanno iyo sharci-yaqaanno. Ka qeybgalka ballaaran ayaa muujiyay xiisaha iyo miisaanka ay dooddu ku lahayd arrimaha qaranimada iyo sharciyadda dowladnimada.
Intii ay dooddu socotay, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay axdigii midnimada qaranka ee 1960-kii, kaas oo horseeday mideyntii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, laguna dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah loo iftiimiyay sida axdigaasi u ahaa heshiis sharci iyo mid siyaasadeed oo ay laba dhinac si ikhtiyaari ah ugu heshiiyeen midnimo qaran, iyo kaalinta uu ku leeyahay sharciyadda jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Abuukaate Maxamed Ciise Turunji ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalo dhowr ah oo la xiriiray sharci ahaanta midowgii 1960-kii, burburkii dowladnimada kaddib iyo doodaha soo noqnoqday ee la xiriira masiirka midnimada dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in axdigii midnimadu uu weli yahay saldhig sharci oo taagan, isla markaana aan si sharci ah loo burin, taasoo ka dhigan in midnimada Soomaaliya ay weli tahay mid sharci ahaan jirta marka loo eego xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gudaha.
Masuuliyiintii kale ee ka qeybgalay doodda ayaa iyaguna madasha ka jeediyay aragtiyo kala duwan oo taabanaya casharrada laga bartay taariikhda dowladnimada, baahida loo qabo in la xoojiyo fahamka sharci ee midnimada, iyo muhiimadda ay leedahay in doodaha siyaasadeed lagu saleeyo xeerar iyo dastuur. Qaar ka mid ah aqoonyahannada iyo sharci-yaqaannada ayaa ku baaqay in la dardargeliyo cilmi-baarista iyo wacyigelinta ku saabsan axdigii midnimada, si jiilasha dambe ay u fahmaan qiimaha iyo macnaha uu u leeyahay qarannimada Soomaaliyeed.
dooddan sharciyeed ayaa lagu tilmaamay mid iftiimisay dhinacyo badan oo la xiriira axdigii dib u midowga Soomaaliya iyo dhismaha dowladnimada, isla markaana dhiirrigelisay in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu wajaho wada-hadal furan, cilmi ku dhisan iyo ixtiraam sharci.
Warbaahinta Goobjoog oo doodda soo abaabushay ayaa si weyn loogu bogaadiyey kaalinteeda ah inay bulshada u abuurto madallo lagu gorfeeyo arrimaha qaran ee xasaasiga ah, si loo xoojiyo wacyiga iyo wada-tashiga bulshada Soomaaliyeed.