Nadaamka Federaalku caalami ahaan muxuu ka qabaa in Dawlad goboleedyadu ay Dalal shisheeye heshiisyo la galaan ?
Saacado yar kaddib markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo saareen go’aan lagu baabi’inayo dhammaan heshiisyadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirtay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa go’aankaasi abuuray muran siyaasadeed iyo dood sharci oo si weyn u taabanaysa hannaanka federaalka iyo xadka awoodaha dowlad goboleedyada.
Dowladda Federaalka ayaa Imaaraadka ku eedeysay faragelin baahsan oo uu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, ku lug lahaanshaha qalalaase siyaasadeed, iyo inuu gacan ka geystay tallaabooyin wax u dhimaya midnimada iyo madax-bannaanida dalka, gaar ahaan tuhun la xiriira aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay Soomaaliland.
Go’aanka Golaha Wasiirrada waxaa si degdeg ah uga horyimid Soomaaliland, Puntland iyo Jubbaland. Soomaaliland, oo isku aragta dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba diidday go’aanka.
Puntland iyo Jubbaland, oo ah laba dowlad goboleed oo ka tirsan Federaalka, ayaa iyaguna ku dooday in ay mas’uul ka yihiin maamulkooda iyo amniga deegaannadooda, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay la galaan cidda ay doonayaan heshiisyo horumarineed iyo kuwo amni.
Waxay sidoo kale wax kama jiraan ku tilmaameen go’aanka Dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay inay ku fashilantay hoggaaminta iyo maareynta arrimaha gudaha dalka, ayadoo ay xusid mudantahay in labadaas maamul midkoodna uusan weli ka hadlin aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland oo ah xadgudub dalka lagu kala goynayo.
Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda mid aan si buuxda ugu hoggaansami doonin go’aanka DFS, maadaama uu sii wado xiriirka tooska ah ee uu la leeyahay maamulladaasi, ayadoo taas badelkeeda maamulka Jubbaland dhowaan la gelaysa heshiis ay kula wareegayso dekedda Kismaayo sida ilo xog-ogaal ahi ay xaqiijiyeen.
Haddaba, su’aasha ugu weyn ee taagan ayaa ah: hannaanka federaalku caalami ahaan ma siinayaa dowlad goboleed awood uu si madax-bannaan heshiisyo ula galo dalal kale iyadoo aanay ogeyn dowladda dhexe? Mise ka hor-imaad karaa go’aan dowladdu ay ka qaadanayso dal ay cadow u aragto?
Marka la eego nidaamyada federaalka ee dunida ka jira, badankood waxay si cad u kala xadeeyaan awoodaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, ayagoo Arrimaha la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca qaranka iyo heshiisyada caalamiga ah awood u siinaya dowladda dhexe, maadaama ay taabanayaan midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.
Dalalka federaalka ah sida Mareykanka, Jarmalka iyo Itoobiya, dowlad goboleedyadu guud ahaan ma laha awood ay si toos ah heshiisyo caalami ah ula galaan dowlado shisheeye, gaar ahaan kuwa amni, militari ama siyaasadeed, haddii aysan jirin oggolaansho ama wakiilnimo cad oo ka timid dowladda dhexe.
Heshiisyada ay geli karaan waxay inta badan ku ekaadaan iskaashi farsamo, ganacsi ama horumarineed oo aan khilaafsanayn siyaasadda guud ee dowladda federaalka, isla markaana ay og tahay ama ansixisay dowladda dhexe.
Xaaladda Soomaaliya, Dastuurka Kumeelgaarka ah wuxuu qeexayaa in arrimaha dibadda iyo difaaca qaranku ay ka mid yihiin awoodaha Dowladda Federaalka. Sidaas awgeed, marka loo eego aragtida sharci ee dastuuriga ah iyo tan caalamiga ahba, dowlad goboleed ma laha xaq buuxa oo uu si kaligiis ah heshiis ula galo dal shisheeye, gaar ahaan haddii heshiiskaasi ka hor imanayo go’aannada Dowladda Federaalka ama uu saameynayo midnimada iyo danaha qaranka.
Hannaanka federaalka caalami ahaan ma oggola in dowlad goboleed si madax-bannaan ugu tallaabsado heshiisyo caalami ah oo ka baxsan oggolaanshaha dowladda dhexe. Sidaa darteed, xal waara wuxuu ku xirnaan doonaa wada-hadal siyaasadeed, is-ixtiraam dastuur iyo ka hortagga faragelin shisheeye oo sii hurin karta kala-qaybsanaanta iyo xasilooni-darrada dalka.