Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in go’aankeeda ka dhanka ah Imaaraadku uusan saameyn ku yeelan doonin duulimaadyada rayidka ah
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Al Jazeera ku eedeeyay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) inay si aan sharci ahayn u isticmaashay hawada Soomaaliya, kaddib markii ay dalka soo gelisay hoggaamiye ka tirsan gooni-u-goosatada Yemen, Aidarous al-Zubaidi, oo uu ku tilmaamay qof baxsad ah.
Wasiir Cali Cumar ayaa sheegay in Imaaraadku uu ku tallaabsaday fal si cad u jebinaya madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aan wax oggolaansho ah laga haysan dowladda Soomaaliya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrintani ay ahayd falkii ugu dambeeyay ee ku qasbay dowladda Soomaaliya inay gebi ahaanba baabi’iso dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta.
Sida uu wasiirku sheegay, ku xadgudubka hawada Soomaaliya iyo ku lug lahaanshaha Imaaraadka ee arrimo amni iyo siyaasad oo aan lagala tashan dowladda federaalka ah ayaa sababay in DFS ay qaadato go’aan adag oo lagu difaacayo madax-bannaanida iyo sharciga dalka.
Dhanka kale, Wasiir Cali Cumar ayaa si cad u sheegay in go’aanka ay qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin duulimaadyada rayidka ah ee mara ama ku shaqeeya hawada Soomaaliya. Wuxuu xaqiijiyay in duulimaadyada ganacsiga, rakaabka iyo adeegyada kale ee rayidka ah ay sii socon doonaan si caadi ah, isla markaana aysan jirin wax carqalad ah oo la filayo.
.