U bood dhigaalka

Go’aankii Dowladda Soomaaliya ee Siyaasadda Imaaraadka carabta oo wali Gilgilaya Warbaahinta iyo Baraha Bulshada

Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan siyaasadda Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u heysta wali warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada, isagoo noqday mid si degdeg ah u gilgilay doodaha siyaasadeed ee gudaha iyo dibadda dalka.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa si faahfaahsan uga hadashay tallaabadan, iyagoo falanqeeyay saameynta ay ku yeelan karto xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, gaar ahaan heshiisyadii hore ee labada dhinac.

Baraha bulshada, dhanka kale, ayaa noqday goob ay shacabka Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ku cabbiraan aragtidooda.

Falanqeeyayaasha Carabta ayaa muujiyay in go’aankan uu yahay tallaabo geesinimo leh oo dowladda Soomaaliya ay ku muujisay madax-bannaanideeda siyaasadeed, isla markaana ay ka hortagto faragelinta shisheeye. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in tallaabadan ay keeni karto dib-u-heshiisiin cusub oo u dhaxaysa Soomaaliya iyo Imaaraadka, haddii labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan xal siyaasadeed oo waara.

Dadweynaha ayaa si weyn uga hadlaya go’aanka adag ee dowladda, iyadoo qaar u arkaan tallaabo muhiim ah oo muujinaysa xoogga dowladda dhexe iyo ilaalinta midnimada qaranka, halka qaar kalena ka walaacsan yihiin saameynta uu go’aankan ku yeelan karo xiriirka ganacsi iyo amni ee dalka.

Sidoo kale, warbaahinta gudaha iyo caalamiga ah ayaa xoogga saartay sida tallaabadan ay u muujinayso dareenka dowladda Soomaaliya ee ka hortagga faragelinta shisheeye. Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tilmaamay in go’aankan uu yahay mid ka turjumaya rabitaanka dowladda ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo xaqiijinta wada shaqeynta

Doodaha baraha bulshada ayaa sidoo kale taabtay aragtida dowlad-goboleedyada, kuwaas oo si dhaw ula socday go’aamada dowladda dhexe. Waxa ay dhalisay falcelin xooggan oo ku saabsan sida xal waara loogu heli karo khilaafaadka siyaasadeed, gaar ahaan kuwa ku saabsan heshiisyada caalamiga ah iyo howlgalada amni.