DFS oo ka digtay in maamul goboleedyadu ay dalal shisheeye la galaan heshiisyo aan Dawladdu ogeyn
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in aan la geli karin heshiisyo aanay iyadu ogeyn, gaar ahaan kuwa lala galayo dowlado shisheeye, iyadoo ku adkeysatay in tallaabo kasta oo ka baxsan oggolaanshaha dowladda dhexe ay tahay mid wax u dhimaysa qarannimada dalka.
Go’aankan ayaa daba socda kulankii Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu buriyay dhammaan heshiisyadii ay DFS kula jirtay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aankaas.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in waxba kama jiraan uu yahay heshiis kasta oo lala galo dowlad goboleedyada dalka, haddii uusan jirin oggolaansho iyo wargelin ka timaadda dowladda dhexe.
Waxa uu intaas ku daray in dowlad kasta ama cid kasta oo ku dhiirrata inay heshiisyo noocaas ah gasho loo arki doono mid si toos ah u dhaawacaysa midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, asagoo sheegay in dawladda federaalku ay hayso caddeymo ku filan oo muujinaya in Dowladda Imaaraatka Carabta ay ku xadgudubtay madax-bannaanida Soomaaliya, arrintaas oo sabab u noqotay in gebi ahaanba la laalo dhammaan heshiisyadii hore u dhexmaray labada dhinac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaq u leh gelidda heshiisyada caalamiga ah, sida uu qabo dastuurka dalku, balse dalal uu ku jiro Isutagga Imaaraadka Carabtu ayaa sanadihii la soo dhaafay heshiisyo ay dekedaha dalka qaarkood kula wareegayaan la galay dowlad goboleedyada qaarkood.