U bood dhigaalka

Duqa magaalada Minneapolis oo si weyn u cambaareeyay howlgallada ciidanka ICE

Duqa Minneapolis ayaa cambaareeyay howlgallada ICE kadib toogasho dhacday
Duqa magaaladaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo lagu beegsanayo dadka soo galootiga ah.

Jacob Frey, ayaa si adag u dhaleeceeyay ICE kadib markii nin u dhashay Venezuela la toogtay intii lagu guda jiray howlgal ay wadeen ciidankani oo la xiriiray socdaalka Mareykanka.

Sida ay sheegeen masuuliyiintu, dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis, waxaana ay dhalisay caro, walaac amni iyo dood ballaaran oo ku saabsan hab-dhaqanka ciidamada federaalka ee ICE.

Mas’uuliyiinta federaalka ayaa sheegay in toogashadu dhacday kadib markii ninkaasi uu isku dayay inuu ka baxsado howlgalka, halka Duqa magaalada iyo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ay shaki xooggan ka muujiyeen sida ay wax u dhaceen.

Jacob Frey ayaa ku tilmaamay howlgalka ICE mid aan la qaadan karin,isla markaana dhaawacaya kalsoonida u dhaxeysa bulshada iyo hay’adaha ammaanka.

Duqa Minneapolis wuxuu caddeeyay in howlgallada noocan ah ay si toos ah u saameeyaan bulshooyinka soo-galootiga, isagoo xusay in cabsi joogto ah ay ku abuureen dadka degaanka, gaar ahaan kuwa laga tirada badan yahay.

Wuxuu sheegay in joogitaanka ciidamada ICE ee magaalada uu abuuray jawi kacsan, isla markaana aysan jirin wada-shaqeyn ku filan oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka magaalada.

Ciidanka ICE ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo gaar ah lagu beegsanayo dadka soo galootiga ah oo Soomaalidu ay ugu horreyso, ayadoo bulshooyinka gobolkaasi ay wajahayaan cabsi xooggan.