Xaaladda Uganda Maanta: Doorasho Xasaasi Ah oo ka socota Iyo Internet-kii oo La Joojiyey
Doorashada guud ee dalka Uganda ayaa maanta si rasmi ah u bilaabatay, iyadoo malaayiin muwaadiniin ah ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u doortaan hoggaamiyaha dalka.
Doorashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro loollan siyaasadeed oo adag iyo walaac amni.
Yoweri Museveni, oo xukunka haya tan iyo 1986, raadinayo muddo kale oo xilka ah. Museveni, hadda 81 jir, ayaa wajahaya mid ka mid ah tartamayaashiisa ugu weyn, Bobi Wine oo ah hoggaamiye mucaarad ah isla markaana ku baaqaya isbeddel ballaaran oo siyaasadeed.
Waxay dowladdu xirtay adeegga internet-ka guud ahaan dalka, iyadoo qabanqaabiyey hay’adda isgaarsiinta ee (UCC) ay amar ku siisay dhammaan shirkadaha bixiya internet-ka iyo isku xirka moobiilka inay joojiyaan adeegga dadweynaha.
Tani waxay ku dhacday labo maalmood ka hor doorashada waxaana lagala hadlay si rasmi ah in laga hortago faafinta “warar been abuur ah”, khiyaano doorasho iyo kicin rabshado ah.
Hay’ado u dooda xuquuqda aadanaha, ururada goboleed iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan xorriyadda isgaarsiinta, xoriyadda hadalka iyo helitaanka wararka, si loo xaqiijiyo in doorashadu ay noqoto mid xor iyo caddaalad leh.