U bood dhigaalka

Dawladda Koonfurta Suudaan oo si adag uga soo horjeesatay Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland

Dawladda Koonfurta Suudaan ayaa si adag uga soo horjeesatay xadgudubka ka dhanka ah madax-banaanida Soomaaliya ee ay ku kaceen Israa’ii iyo dawladda Imaaraadka, iyadoo si cad u taageertay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuradda Soomaaliya

Qoraal Rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaanta Koonfureed ayaa lagu bogaadiyay go’aamada u hiilinaya midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ee ay qaateen Midowga Afrika, IGAD iyo QM, waxaana dawladda Suudaan ay xustay in dhankeeda ay ka go’an tahay dhowrista qiyamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Sidoo kale Dawladda Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan waxay si buuxda u taageertay mowqifyada Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Hay’adda IGAD ee ku aaddan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan waxay mar kale xaqiijinaysaa ballanqaadkeeda ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu ixtiraamayo xuduudaheeda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Wasaaraddu.

Waxaa intaas lagu sii daray “Mowqifka Dowladda Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan wuxuu waafaqsan yahay qodobbada heshiisyada goboleed, Axdiga Asaaska Midowga Afrika, iyo shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah”

Si kastaba waxaa sii kordhaya taageerada Caalmiga ee dawladda Soomaaliya ay u heleyso dagaalka ay ugu jirto fashilinta xadgudubka indho la’aanta ah ee Israa*l iyo aqoonsi ku sheegii la siiyay maamulka Hargeysa, iyada dhanka kale il gooni ah ku haysa dawladaha kale ee dhagraya dib u soo kabashada Soomaaliya.