U bood dhigaalka

SOCDAALKA MIDNIMADA IYO SAFARKA MADAXWEYNAHA JFS EE LAASCAANOOD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Dawladgoboleedka Galmudug, Golaha Wasiirrada ee JFS, taliyaal ciidan, diblomaasiyiin, wufuud heer caalami ah, iyo waxgarad isaga yimid geyiga Soomaaliyeed oo dhan iyo dunida dacalladeeda ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay magaalada Laascaanood ayaa isku hal wada xanbaarsan dhanbaallo siyaasadeed, dareen qarannimo iyo mahadho taariikheed oo maguurto ah.

Socdaalkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago magaalada Laascaanood—kaas oo ku beegan ku dhowaad 40 sano ka dib markii ugu horraysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu si rasmi ah u tago dhulkii la isku oran jiray Soomaalilaan, gaar ahaan magaalamadaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

Marka laga yimaado in madaxda uu Madaxweynuhu ugu horreeyo ay ka qeybgali doonaan caleemasaarka hoggaanka cusub ee Maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari, misana, wuxuu sidoo kale socdaalkoodani hiil hagarla’aaneed u yahay himilada shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dhowridda madaxbannaanidooda daleed iyo difaacashada gobannimadooda.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Laascaanood waxa uu bixinayaa farriimo cadcad oo isgarabyaal, kuwaas oo ku aaddan midnimada dalka, wadajirka iyo is-ahaanshaha shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan.

Dhinaca kale, waxa uu socdaalkani si gaar ah muhiim ugu yahy adkaynta dhismaha Dawladgoboleedka Waqooyibari iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya Dawladda Dhexe.

Socdaalkan oo gudaha iyo dibedda dalka si weyn looga hadalhayo ayaa ku soo aadaya xilli maamulka Waqooyigalbeed ee Soomaalilaan uu sheegtay in uu aqoonsibeenaad muran badan dhaliyay ka helay maamulka Israa’iil, isla markaasna uu si indhala’aan ah u dafirsanyahay jiritaanka maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari.

Taariikh ahaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii seddaxaad ee socdaal rasmi ah ku taga magaalada Laascaanood, guud ahaan madaxdii soo martay xukunka; iyo Madaxweynihii kowaad ee burburkii ka dib taga caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood.