U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in Laascaanood ay tahay caasimadda midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in munaasabadda ka dhacday magaalada Laascaanood ay tahay taariikh cusun oo u qormaysa ummadda Soomaaliyeed, isla markaana calaamad u ah ka gudbidda raadadkii kala qoqobka iyo kala qeybsanaantii ka dhaxashay gumeysiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in waqtigii laga hadlayay kala qeybsanaanta gobollada dalka iyo aragtidii ahayd in qeybo ka mid ah Soomaaliya ay gumeysan jireen dalal kala duwan ay si rasmi ah u dhammaatay, isagoo caddeeyay in baalkii fikirkaas uu maanta soo xirmay.
Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay tahay hal dal, hal ummad iyo hal mustaqbal, isla markaana aan la aqbali karin wax kasta oo dib u soo nooleynaya kala qeybintaas taariikhiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay hoggaanka iyo shacabka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay kuwo si cad u diiday kala qeybsanaanta ummadda Soomaaliyeed, kana istaagay midnimada, wadajirka iyo dowladnimada dalka. Wuxuu sheegay in doorka ay qaateen Waqooyi Bari uu tusaale u yahay sida looga hortagi karo fikir kasta oo dhaawacaya midnimada qaran.

Intii uu khudbadda jeedinayay, Madaxweynaha ayaa magaalada Laascaanood si rasmi ah ugu dhawaaqay inay tahay Caasimadda Midnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in booqashadiisa iyo munaasabaddan ay farriin cad u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, taas oo ah in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladihii kala qeybsanaanta una jeeddo mustaqbal ku dhisan wadajir iyo isku tashi.