U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhaliil adag u jeediyay maamullada Puntland iyo Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u dhaliilay maamullada Puntland iyo Jubbaland, xilli uu ka hadlayay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa nasiib-darro ku tilmaamay maqnaanshaha Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo sheegay in ay ahayd in uu ka soo qeyb galo munaasabadda caleema-saarka, maadaama ay ka tarjumeysay midnimo qaran iyo wada-shaqeyn siyaasadeed.

Wuxuu xusay in maqnaanshaha Deni uu yahay deyn siyaasadeed oo lagu leeyahay hoggaanka Puntland, islamarkaana aan la aqbali karin in hoggaamiye maamul goboleed uu ka baaqsado munaasabad qaran oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadal toos ah u adeegsaday kala duwanaanta mawqifka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isagoo yiri: “Qoor Qoor waa fadhiyaa, laakiin Deni ma fadhiyo. Kan kale Madaxweyne uma aqaano, laakiin Deni inuu fadhiyo ayay ahayd.” Hadalkan ayaa si cad u muujinaya sida ay Dowladda Federaalka u aragto ka-qeybgalka iyo sharcinimada hoggaamiyeyaasha qaar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuusan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) u aqoonsanayn Madaxweyne, taas oo sii xoojisay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira sharciyadda hoggaanka iyo hannaanka doorashooyinka.