Wufuud hor leh oo ku qulqulaya Laascaanood iyo Danjireyaasha Turkiga, Sucuudiga, iyo Suudaan oo gaaray magaaladaas
Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari ayaa martigelinaysa wufuud kala duwan oo ka kala socota dalal dhawr ah, kuwaas oo maalmahan si xiriir ah u gaaraya magaalada, xilli ay socoto qabanqaabada munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari.
Wufuudda diblomaasiyadeed ee magaalada gaartay waxaa kamid ah Safiirrada dalalka Boqortooyada Sucuudiga, Turkiga iyo Suudaan, kuwaas oo booqashadooda si weyn indhaha loogu hayo, maadaama ay ku soo beegantay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Tagitaanka Danjireyaasha Turkiga iyo Sucuudiga ayaa lagu fasiray mid xambaarsan farriin gaar ah, iyadoo dalalkan ay dhowaan si cad u muujiyeen taageeradooda ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, magaalada Laascaanood waxaa gaaray wufuud isugu jirta odayaal dhaqan, waxgarad iyo siyaasiyiin oo ka kala yimid dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo muujinaya taageero iyo garab-istaag ku aaddan geeddi-socodka maamul-dhisidda iyo xasilloonida gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya.
Imaanshaha wufuuddan caalamiga ah iyo kuwa gobolka ayaa sare u qaaday miisaanka siyaasadeed ee munaasabadda caleema-saarka hoggaanka Maamulka Waqooyi Bari, taas oo loo arko tallaabo muhiim u ah dhismaha hay’adaha maamulka iyo adkeynta xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka iyo dalalka deriska ah.
Dhanka kale, Somaliland, oo dhowaan sheegtay inay heshay aqoonsi muran dhaliyay oo ka yimid maamulka Israa’iil, ayaa wajahaysa cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya, kadib qulqulka wufuudda caalamiga ah ee ku wajahan Laascaanood.
Arrintan ayaa falanqeeyayaal badan ku tilmaameen mid hoos u dhigaysa dadaallada gooni-goosadka, isla markaana muujinaysa in Laascaanood ay noqotay xarun ay isugu imanayaan aragtiyo taageeraya midnimada Soomaaliya.