U bood dhigaalka

Ciidanka Booliska Afmadow oo gacanta ku dhigay rag ku howlanaa ka ganacsiga iyo laynta duur-joogta

Ciidanka Booliska degmada Afmadow ayaa howlgallo qorsheysan ku soo qabtay rag ku lug lahaa ka ganacsiga iyo laynta duur-joogta, kuwaas oo si sharci-darro ah uga faa’iideysanayay ugaadha deegaanka.
Raggan la qabtay ayaa horey digniin adag uga helay maamulka degmada Afmadow, kaddib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah deegaanka iyo duur-joogta, hase yeeshee ay ku adkeysteen falalkooda sharci-darrada ah.

Guddoomiyaha degmada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji-Maaji), ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, isagoo xusay in si degdeg ah loo horgeyn doono hay’adaha cadaaladda si sharciga looga qaado tallaabo ku habboon.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay bulshada ku nool degmada Afmadow inay door firfircoon ka qaataan ilaalinta duur-joogta iyo deegaanka, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si looga hortago falalka wax u dhimaya khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Maamulka degmada Afmadow ayaa adkeeyay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka, isla markaana tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta duur-joogta.