DHACDO TAARIIKHI AH: MUXUU KA DHIGAN YAHAY SAFARKII MADAXWEYNAHA JFS EE MAGAALADA MIDNIMADA EE LAASCAANOOD?
WQ: Maxamuud Xaamud Maxamuud Badle
Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda
Wakhtiga lagu jiro waxaa jiray isbeddello badan oo ka dhacay dunida, gobolka iyo gaar ahaan dalkeenna. Tani waxay keentay waxyaabo badan inay iska beddelaan juqraafi-siyaasadeedka (geopolitics) adduunka iyo gobolka. Haddaan Laascaanood u weecanno, waxaa dagaal ku dhex maray Soomaalilaan iyo dadkii degaanka oo markaas ku dagaallamayay magaca SSC-Khaatumo, una taagnaa midnimada dalka. Dadka degaanka ah ayaa ku guulaystay inay la wareegeen degaannadooda, taasoo keentay in dowladda Soomaaliya ay hirgeliso Maamulgoboleedka Waqooyibari.
Dibudhac weyn oo ka jiray caleemasaarka maamulka cusub oo loo aanaynayo siyaasadaha isdiiddan ee ka jira Soomaaliya iyo faragelinta waddamada shisheeye ku hayaan dalkeenna, iyadoo xaalku cakiran yahay, ayaa Soomaalilaan aqoonsi ka raadisay Israa**l taasi oo Soomaalida ku noqotay dhabannahays aan la filanayn, khatarna gelisay midnimada Soomaaliya. Tani waxay dhashay in madaxda dalka ugu sarraysa ay ku hanbabaraan, ayna muujiyaan tallaabo kasta oo ay ku difaaci karaan midnimada dalka, waxaana la sameeyeen dadaallo badan oo diblamaasiyadeed, waxaa kale oo la xoojiyay dadaallada dawladdu ku bixinaysay difaacidda dalka.
DIBLOMAASIYADD IYO DANAHA CAALAMKA EE GEESKA AFRIKA
Sucuudiga ayaa isna hurdada ka kacay, lana wareegay Yemen oo Imaaraadku rabay in uu kala jaro, waxaana samaysmay isbahaysi cusub oo ay ku midoobeen waddamada Sucuudiga, Masar, Turkiga, Soomaaliya iyo Bakistaan. Isbahaysigan ayaa isku raacay in laga shaqeeyo midnimada waddamada Islaamka ah sida Soomaaliya, Suudaan, Yamen, Suuriya iyo Liibiya oo aan la jarjarin. Xoojinta isbahaysigu waxay dhashay in Madaxweynaha Soomaaliya uu go’aansado in uu socdaal rasmi ah ku tago Dawladgoboleedka Waqooyibari oo u taagan midnimada dalka. Haddaba, caleemasarka iyo socdaalka Madaxweynaha, maxay ka dhigan tahay? Waxaan u kala qaadaynaa labo qodob:
QODOBKA KOWAAD: DAWLADDA FEDERALKA AH EE SOOMAALIYA WAXAY UGA DHIGAN TAHAY
- In Madaxweyne Xasan Sheekh tagay qeyb ka mid ah dhulkii maamulka Soomaalilaan sheeganayay waxay meesha ka saartay in maamulka Waqooyibari dhulkaas gacanta ugu jiro, waxayna muujisay degaankaasi in uu hoos yimaado Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
- Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Maamulgoboleedka Waqooyibari u aqoonsaday maamul rasmi ah oo ka tirsan dawladgoboleedyada Soomaaliya.
- Madaxwaynuhu wuxuu kaloo u aqoonsaday Laascaanood inay tahay magaalada midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxayna noqotay guul u soo hoyatay reer Waqooyibari.
- Waxay kor-u-qaadaysaa awoodda gorgortan ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ee dhinaca midnimada.
- Waa guul kale oo Xukuumaddu ku darsan karto hirgelinta nidaamka federaalka; maadaama ay aqoonsatay maamulgoboleed cusub oo Dawladda Dhexe ku soo biira.
QODOBKA LABAAD: DAWLADGOBOLEEDKA WAQOOYI BARI WAXAY UGA DHIGAN TAHAY
- In dadka deegaannadaasi u heellan yihiin dowladnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya, waxaana laga garan karaa taariikhda halgan ee degaannadaas iyo sida wufuuddii Soomaalida badankeedu ugu qulqulaysay Waqooyibari.
- Booqashada Madaxweynaha ee Waqooyibari waxay xoojinaysaa jiritaanka sharciyadeed ee maamulka cusub.
- Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood waxay xaqiijinaysaa sugnaanshaha amni ee degaankaas.
- Waxay keenaysaa koboc dhaqaale oo maamulka u soo kordhay. Tani waxay suurtagelinaysaa inay hirgalaan dhammaaan mashaariicda horumarineed ee Dawladda Dhexe bixinayso iyo kuwa caalamiga ah, waxayna abuuraysaa fursadaha maalgashiga.
- Waxay albaabbada ka soo xiraysaa kaarkii aqoonsi-raadis ee uu maamulka Soomaalilaan u isticmaali jiray iyo kalagoynta dalka.
Ugu danbayntii, safarka Madaxweynuhu wuxuu caalamka iyo Soomaalidaba u dirayaa sawir ah in Soomaaliya tahay mid wadajirta oo aan la kala goyjn karin iyo in Waqooyibari tahay xudunta midnimada dalka—arrintan oo keentay in maamulkaasi uu si rasmi ah uga mid noqdo dawladgoboleedyada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.