U bood dhigaalka

Maxay ujeedada Safarka Deni iyo Cirro ee Imaaraadka?

Taniyo markii ay Dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadka Carabta, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaan ka soo muuqan fagaarayaasha siyaasadda iyo shirarka maamulkiisa, ayadoo la rumeysanyahay inuu dalka ka maqanahay.

Inkasta oo Puntland ay soo saartay war-saxaafadeed adag oo ay si cad ula safatay Imaaraadka, haddana Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni lama arkin taniyo xilligaas, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku suganyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliland,Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa isna maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, taas oo sii xoojisay tuhunka ah in dowladda Imaaraadku ay martiqaad u dirtay hoggaamiyeyaasha qaar ka mid ah maamulada dalka, xilli uu khilaaf culus ka dhex taagan yahay Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madaxdan la filayo inay Imaaraadka kala hadlaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay in Abu Dhabi ay kala tashanayso tallaabooyin ay kaga jawaabayso go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo si cad u diidday faragelinta shisheeye ee arrimaha qaranka.

Arrintan ma ahan mid ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, Sannadkii 2019-kii, xilligii uu khilaafku ka dhex qarxay dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta, Abu Dhabi waxay markaas u yeertay dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada, kuwaas oo intooda badan si buuxda ula safay Imaaraadka, iyagoo ka hor yimid go’aannadii Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadaas ayaa xilligaas si weyn u dhaawacday wada-shaqeyntii u dhexeysay dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada,
sidoo kale, Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan fududeeyay safarro ay is-dhaafsadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil iyo Madaxweynaha Soomaaliland, kuwaas oo u kala kala safray Tel Aviv iyo Hargeysa, arrin dhalisay walaac hor leh oo ku saabsan xiriirka Imaaraadka la leeyahay dhinacyada ka shaqeynaya ajendooyin ka baxsan danaha guud ee Soomaaliya.

khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sababay xaalad siyaasadeed oo si weyn u saamaysay dalka, iyadoo Dawladda Soomaaliya ay ku adkaysatay inaysan aqbali doonin faragelin iyo xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida dalka.