Xukuumadda Soomaaliya oo ku Dhawaaqday Gogol Wadahadal Qaran
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo fulinaysa talo soo-jeedinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saartay martiqaad rasmi ah oo ku socda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka shacabka, iyadoo la tixraacayo qodobka 6-aad ee baaqii hore uga soo baxay Golahaas.
Xukuumaddu waxay ku dhawaaqday in shir wadatashi qaran oo weyn uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, kaasoo qorshaysan inuu furmo 1-da bisha Febraayo ee sannadkan 2026.
Shirkan ayaa ujeeddadiisu tahay horumarinta dimoqraadiyadda dalka oo ku dhisan wadatashi iyo isu-tanaasul.
Si loo xaqiijiyo habsami u socodka iyo qabanqaabada shirkaas, xukuumaddu waxay u xilsaartay guddi wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud.
Dhanka kale, xukuumaddu waxay ka codsatay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay soo magacaabaan xubnihii dhankooda uga qayb geli lahaa qabanqaabada, si wadajir ah loogu lafo-guro ajandayaasha horyaalla shirka, looguna guuleysto inuu noqdo mid dalka iyo dadkaba u horseeda natiijooyin waxgal ah.