U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay gacanta ku Dhigtay Maamulka Dekedaha dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Da’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in dhammaan dekedaha dalka ay si buuxda hoos ugu jiraan gacanta dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka Al-Jazeera, isagoo xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay go’aan rasmi ah ku gaartay in meesha laga saaro dhammaan heshiisyadii dekedaha ee lala galay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka wuxuu beeniyay Sheegada DP World ee ah in ay gacanta kusii heyn doonto Dekedaha Boosaaso iyo Berbera.

Wuxuu xusay in markii meesha laga saaray heshiisyadda Imaaraadka Carabta DP World dhankeeda ay meesha ka baxday.

Da’uud Aweys Jaamac ayaa tilmaamay in go’aankan uu ka dhashay dood iyo falanqeyn dheer oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada, isla markaana cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay intii uu socday shir ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabadan ay ka tarjumeyso madax-bannaanida Qaranka iyo doorka dowladda Federaalka ee ku aaddan ilaalinta kheyraadka istiraatiijiga ah ee dalka, gaar ahaan dekedaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya.