Wax ka Ogow Shirka Caalamiga ah ee Davos iyo dalalka ka qeyb-gala
Magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa sannad kasta martigelisa Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum – WEF), kaas oo ka mid ah shirarka ugu waaweyn uguna saamaynta badan caalamka, wuxuuna Shirkani inta badan dhacaa bisha Janaayo,asagoo socda afar ilaa shan maalmood.
Shirka Davos waxaa isugu yimaada hoggaamiyeyaasha dowladaha, madaxda hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada waaweyn, aqoonyahanno iyo khubaro caalami ah, kuwaas oo ka kala socda in ka badan 100 dal oo dunida dacaladeeda ah.
Dalalka sida joogtada ah uga qayb-gala waxaa kamid ah Mareykanka, Shiinaha, Jarmalka, Faransiiska, Britain, Japan, Canada, iyo dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub, Afrika, Aasiya iyo Latin America.
Sidoo kale, hay’ado waaweyn sida Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ka mid ah ka qayb-galayaasha shirkan.
Ajandaha shirka ayaa si weyn diiradda u saara xaaladda dhaqaalaha adduunka, amniga caalamiga ah, isbeddelka cimilada, horumarka tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan sirdoonka macmalka ah (AI), iyo sidii dowladaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ay u wada shaqeyn lahaayeen.
Hoggaamiyeyaasha ka hadla shirka ayaa adkeeya baahida loo qabo iskaashi caalami ah, si wax looga qabto caqabadaha waaweyn ee dunida ka jira, sida colaadaha, sicir-bararka, shaqo la’aanta, iyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.
Ganacsatada iyo shirkadaha waaweyn ayaa iyaguna soo bandhiga aragtiyo ku saabsan mustaqbalka maalgashiga, hal-abuurka, iyo kobaca dhaqaalaha adduunka.
Inkasta oo shirka Davos loo arko madal lagu qaabeeyo jihada mustaqbalka siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka, haddana mararka qaar waxaa lagu dhaliilaa inuu yahay shir ay inta badan ka faa’iideystaan dalalka iyo shirkadaha dadka awoodda iyo hantida leh.
Haddaba Madaxweynaha Soomaaliland oo saacado ka hor soo bandhigay sawirro muujinaya asagoo saaran diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ka diiwaan-gashaan Switzerland ayaa loo badinayaa inuu isku dayayo ka qeybgalka shirkaas asagoo kaashanaya Imaaraadka iyo Israa’iil, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo arrintaas.