Imaaraadka oo lagu eedeeyay inuu Israa’iil Wakiil uga yahay kala furfurka dalalka Islaamka
Aqoonyahan u dhashay Sacuudi Carabiya, ahna xubin hore oo ka tirsanaa Golaha Shuurada, Dr. Axmed bin Cusmaan Al-Tuwaijri, ayaa si kulul u dhaliilay Imaaraadka Carabta (UAE), isagoo ku eedeeyay inay u adeegayso danaha Israa’iil isla markaana ay ka shaqaynayso wiiqidda midnimada Carabta iyo xasilloonida gobolka.
Qoraal uu dhawaan ku daabacay warbaahinta, Dr. Al-Tuwaijri wuxuu ku tilmaamay Imaaraadka “faras qaada aragtida Sahyuuniyadda oo ku dhex jira dunida Carabta, taasoo sida uu sheegay u sahleysa Israa’iil inay saameyn siyaasadeed, amni iyo istiraatiiji ku yeelato gobolka, si loogu adeego danaha Tel Aviv.
Aqoonyahanku wuxuu ku dooday in xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Abu Dhabi iyo Israa’iil uusan ahayn mid ku saleysan dan guud oo Carbeed, balse uu ka dhashay cadaawad muddo dheer jirtay oo Imaaraadku u qabo Sacuudiga, iyo sidoo kale xaasidnimo ku saabsan kaalinta diimeed, midda juqraafi-siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Riyaad ku leedahay dunida Islaamka iyo Carabta.
Dr. Al-Tuwaijri wuxuu sheegay in Imaaraadku aaminsan yahay in ku dhowaanshaha Israa’iil uu siin karo awood uu kula tartamo Sacuudiga iyo dalalka kale ee waaweyn ee Carabta, arrintaas oo uu ku tilmaamay khalad istiraatiiji ah iyo khiyaano ka dhan ah midnimada Carabta iyo tan Islaamka.
Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri Abu Dhabi “waxay isku tuurtay gacmaha Sahyuuniyadda, iyadoo rumeysan in xiriirkaasi u sahli doono inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee gobolka, isla markaana ay hoos u dhigto kaalinta hoggaamineed ee Sacuudiga.
Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in iskaashiga Imaaraadka iyo Israa’iil uu, sida uu Dr. Al-Tuwaijri ku doodayo, horseeday kordhinta khilaafaadka Carabta dhexdeeda, islamarkaana uu u adeego ajandooyin shisheeye oo aan waafaqsanayn danaha guud ee ummadda Carbeed iyo Muslimiinta.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Imaaraadku uu dhowaan Israa’iil kala shaqeeyay tillaabooyin lagu kala qeybinayo dalalka Soomaaliya, Yemen, iyo Suudaan, islamarkaana uu faragelin foolxun ku hayo arrimaha gudaha ee dalalkaas.