Wasiir Fiqi: Soomaaliya Ma Aqbali Doonto Xadgudub Lagu Sameeyo Madaxbannaanideeda
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin wax kasta oo lagu xadgudbayo madax-bannaanida, midnimada iyo sharafta qaranka Soomaaliyeed.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Al-Jazeera, ayuu wasiirku ku caddeeyay in go’aanka lagu joojiyay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Imaaraadka Carabta uu ka dhashay “xadgudubyo si toos ah u taabanaya madaxbannaanida Soomaaliya”.
isagoo xusay in joogitaanka iyo hawlgalka saldhigyo ciidan shisheeye ay khasab tahay in ay hoos yimaadaan kormeer buuxa oo dowladda federaalka ah.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in taageeradii milatari ee Imaaraadka ay istaagtay ku dhowaad laba sano ka hor, halka taageeradii yareyd ee hadhayna ay noqotay mid aan mar walba soo marin hay’adaha rasmiga ah ee dowladda, taas oo mararka qaar loo marin jiray kooxo hubeysan oo ka jira gobollo ka mid ah dalka, arrintaasoo uu ku tilmaamay mid lagu wiiqayay awoodda dowladda dhexe.
Dhanka kale, wasiirku wuxuu si adag u cambaareeyay isku dayada Israel ee la xiriira aqoonsiga waxa loogu yeero “Somaliland” iyo wararka ku saabsan isku day lagu doonayo in Falastiiniyiin lagu dejiyo dhulka Soomaaliya, isagoo sheegay in tallaabooyinkaasi ay si cad uga hor imaanayaan qiyamka Soomaaliyeed, sharciga caalamiga ah iyo mowqifka taariikhiga ah ee Soomaaliya ee taageerada shacabka Falastiin.
Wasiirku wuxuu mar kale adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, islamarkaana heshiis kasta oo ay si gaar ah ula gasho dalal shisheeye uu yahay mid baalmarsan dastuurka dalka iyo sharciga caalamiga ah, kana dhalan kara qalalaase amni iyo mid siyaasadeed oo halis ku ah Geeska Afrika.
Isagoo ka hadlayay joogitaanka ciidamo shisheeye, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka joogo oo keliya dhanka tababarka ciidamada, halka Masar ay ku soo biiri doonto hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya, dhammaantoodna ay ku shaqeynayaan oggolaansho iyo kormeer buuxa oo dowladda Soomaaliyeed ah.
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay haatan gashay marxalad cusub oo dib-u-dhis ciidan iyo amni ah, isaga oo xaqiijiyay in dowladda ay mudnaan siinayso dhisidda ciidan qaran oo awood u leh in uu si buuxda ula wareego ammaanka dalka, isla markaana aan u baahnayn faragelin shisheeye mustaqbalka dhow.